Maamulka G/Banaadir oo hubinaya Raashiinka ay Hay'ada WFP keento dalka.

0
Wednesday October 03, 2018 - 20:11:31 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka G/Banaadir oo hubinaya Raashiinka ay Hay'ada WFP keento dalka.

    Kulan ay maanta Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wakiil hay'ada WFP ee u qaabilsan Soomaaliya Lorent Bokeira ay ku yeesheen Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar ayaa waxaa ay kaga wadahadleen, sidii loo kontorooli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay maanta Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wakiil hay'ada WFP ee u qaabilsan Soomaaliya Lorent Bokeira ay ku yeesheen Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar ayaa waxaa ay kaga wadahadleen, sidii loo kontorooli lahaa Deeqaha gar-gaarka ay hay'ada keento Magaalada Muqdisho.



Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray ,Sidii loo Dar-dargelin lahaa Samafalka loo sameeyo dadka Danta yar ee ku nool Gobalka Banaadir, iyo in shaqo abuur loo sameeyo dhalin yarada shaqo la’aanta ku haysa Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta la hadlay markii uu kulanka soo idlaay, waxaa uuna ka warbixiyay waxyaabihii kulanka diirada lagu saaray, waxaa uuna Tilmaamay in Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Wafdi ka socda Hay’ada WFP ay isaga kaashan lahaayeen sidii loo caawin lahaa Barakacayaasha ku sugan Gobalka.


Kulanka ayaa waxaa uu ku aadayaa xili Hay’ada WFP lagu eedeeyo In Soomaaliya ay keento Raashiin dhacay, kuwaasi oo la siiyo dadka Danyarta ee Ku nool dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip