Madaxweyne Gaas oo u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya (SAWIRRO)

0
Wednesday October 03, 2018 - 19:49:24 in Wararka by
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Gaas oo u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu safar shaqo ugu ambabaxay magaalda Nairobi ee dalka Kenya. Gaas ayaa safrkiisa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku wehelinayey qaar ka mid ah Golaha xukuumadda Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu safar shaqo ugu ambabaxay magaalda Nairobi ee dalka Kenya. Gaas ayaa safrkiisa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku wehelinayey qaar ka mid ah Golaha xukuumadda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaardaha ee Gen. Maxamed Abshir ku sii sagootiyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiye ku xigeenada Koobaad iyo labaad ee golha wakiilada Puntland, qaar ka mid ah goleyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ka hor intii aanu ka ambabixin magaalada Garoowe warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaardaha ee Gen. Maxamed Abshir ayaa waxa uu ka hadlay safrkiisa iyo waxa uu ku saabsan yahay waxaana uu yiri.

"Waxaan maanta u safrayaa caasimada dalka Kenya ee Nairobi, halkaasi oo aan u aadi doono safar shaqo oo ilaa Afar bari qaadan doona, safaarkaas waxa uu la xariiraa dhamaystir mashaariic horey u socotay iyo kuwa tira badan oo dhawaan bilaabman doona sida aad la socotaan, waxaan kula kulmi doonaa Nairobi hay’ado caalamiya, safaarado, ururo caalamiya, waxaan rajeynayaa Afrtaa bari ka bacdi inaan dalka dib ugu soo laaban doono, waxaan ka tagayaa wadankii oo nabada roobkii dayrtuna bilowday, waxaan rajeynayaa wadankoo nabada in aan ku soo laaban doono, Insha Allaah”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shacab iyo madaxda kula dardaarmay in amniga iyo jiritaanka Puntland la adkeeyo si ay Puntlnad u gaarto hadafkeeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip