Akhriso:-Dadkii Ugu Badnaa Oo Ka Barakacay Rabshadihii Ka Dhacay Itoobiya

0
Wednesday October 03, 2018 - 18:49:12 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Dadkii Ugu Badnaa Oo Ka Barakacay Rabshadihii Ka Dhacay Itoobiya

    Ugu yaraan 73,000 Qof ayaa ku barakacday rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo ka mid ah Dalka Itoobiya, iyadoo Afar Qofna ay ku dhinteen Todobaadyadii lasoo dhaafay Gobolka Benshangul/Gumz, sida ay Talaadadii shalay ahayd sheegtay warbaahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 73,000 Qof ayaa ku barakacday rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo ka mid ah Dalka Itoobiya, iyadoo Afar Qofna ay ku dhinteen Todobaadyadii lasoo dhaafay Gobolka Benshangul/Gumz, sida ay Talaadadii shalay ahayd sheegtay warbaahinta Maxalliga ah ee Dalkaasi. Sida ay sheegtay warbaahinta Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC), Dadka barakacay ayaa intooda badan waxay ka carareen Magaalooyinka deriska la ah Gobolka Oromada.

EBC oo soo xiganaysa Madaxa Isgaarsiinta Gobolka Benshangul/Gumz ee Dalka Itoobiya , Mr, Zelalem Jaleta, ayaa sheegtay in Afarta Qof ee la dilay ay ka mid ahaayeen maamulka degaanka Kamashi.

Zelalem Jaleta, oo u warramayay EBC ayaa Dowladda Federaalka Itoobiya ka codsaday inay soo fara geliso xaaladda cakiran ee halkaasi ka aloosan, taasoo kasii daraysa Maalinba Maalinta ka dambaysa.

Rabshadaha ku salaysan Isirka iyo Qoomiyadaha ee ka taagan Dalka Itoobiya ayaa soo billowday Sanaddii 2015-kii, taasoo sababtay inuu xilka iska casilo Ra’isul wasaarihii xilligaasi Hailemariam Desalegn , horraantii Sanadkan , si ay u yaraadaan shaqaaqooyinka, balse weli laguma guuleysan xallinta xasaradaha.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip