Iran oo sheegtay in aysan albaabka ka xiran doonin wada hadal ay la furato Trump

0
Wednesday October 03, 2018 - 09:30:46 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iran oo sheegtay in aysan albaabka ka xiran doonin wada hadal ay la furato Trump

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Iiraan, Javad Zarif ayaa BBC-da u sheegay in dowladdiisu aanay xirin albaabka ay wadahadal kula furayso Madaweynaha Mareykanka Donald Trump, hasayeeshee aysan ka dhaadhacsanayn in ninkaasi uu yahay nin wadahadal lal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Iiraan, Javad Zarif ayaa BBC-da u sheegay in dowladdiisu aanay xirin albaabka ay wadahadal kula furayso Madaweynaha Mareykanka Donald Trump, hasayeeshee aysan ka dhaadhacsanayn in ninkaasi uu yahay nin wadahadal lala geli karo oo la isku halayn karo. Mr Zarif ayaa waxa uu ka hadlayay magaalada New York kaddib markii ay Iiraan ka heshay taageero dalalka kale ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo badbaadiyo heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee la galay 2015-kii, walow uu sii kordhayo cadaadiska uu heshiiskaasi ku hayo Mareykanka kaas oo isaga baxayba bilowgii sanadkan.

Mohamed Javad Zarif ayaa BBC-da u sheegay in wax kasta ay suuragal yihiin, isla markaana aanay albaabada ka xiran madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Balse waxa uu intaa ku daray in xilligan la joogo aanay Iran aqbali rabin in Trump ay la yeelato kulan ka mid ah kii uu la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Javad Zarif ayaa sheegay in kulanka noocaasi ah uu fursad igu sawir ah u noqon doono Trump, isla markaana heshiiska ka soo baxa aanu noqon doonin mid la mid ah kii 2015-kii ee uu Trump isaga baxay.

Iran ayaa rajeyneysa in quwadaha kale ee heshiiska qeybta ka ah ay kusii jiri doonaan. Midowga Yurub-na waxa uu samaynayaa hannaan ay shirkadihiisa ugula ganacsan karaan dalkaasi iyagoo aan isticmaaleyn lacagta dollar-ka.

Wasiirka arimaha dibedda ee Iran ayaa sheegay in inkastoo Iran ay xaalad adag soo wajahday, aysan xilligan diyaar u ahayn inay ka baxdo heshiiska nukliyeerka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip