Gen. Indha Qarshe oo sheegay inay taageerayaan shacabka la dagaalamaya Shabaab

0
Wednesday October 03, 2018 - 09:27:37 in Wararka by
  • Visits: 365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gen. Indha Qarshe oo sheegay inay taageerayaan shacabka la dagaalamaya Shabaab

    Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka taagneyd xiisad u dhaxeysay dadka shacabka ah iyo ururka Al Shabaab, iyada oo xiisdan ay ka dhalatay kadib markii shacab is abaabulay ay ka soo horjeesteen amaro Al Shabaab ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka taagneyd xiisad u dhaxeysay dadka shacabka ah iyo ururka Al Shabaab, iyada oo xiisdan ay ka dhalatay kadib markii shacab is abaabulay ay ka soo horjeesteen amaro Al Shabaab ay ku soo rogeen.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa wuxuu sheegay in si buuxda ay u taageerayaan shacabka is abaabulay ee la dagaalamaya ururka Al Shabaab, wuxuu kaloo sheegay inay ka xun yihiin dadka ku dhintay dagaaladii dadka degaanka la galeen Shabaab.

Dhinaca kale General Indha Qarshe ayaa wuxuu ka hadlay hawlgalada ka soconaya qeybo ka mid ah bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kaasi oo qorshihiisa uu yahay sidii la isugu furi lahaa wadooyinka ay xireen ururka Al Shabaab.

Ciidamada Millatariga Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay hawlgallo ay sameeyeen waxa ay ku guuleysteen inay isku furaan wadada dheer ee xiriirisa degaanka Jasiira iyo magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

XIGASHO:RADIORISAALA.COM

Audio Player
XIGASHSHO:-RADIODALSAN.COM


 
00:37



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip