Howlgalka Tababarka Midowga Yurub oo war ka soo gaaray weerarkii is qarxinta ahaa

0
Tuesday October 02, 2018 - 10:44:02 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgalka Tababarka Midowga Yurub oo war ka soo gaaray weerarkii is qarxinta ahaa

    Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saaray weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay lagu qaaday mid ka mid ah gaadiidkooda oo marayay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saaray weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay lagu qaaday mid ka mid ah gaadiidkooda oo marayay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax khasaare oo ka soo gaaray qaraxa, isla markaana kolonyadooda ay si nabad ah ku soo laabatay.

Sidoo kale Howlgalka ayaa sheegay in aanay jirin wax rasaas ah oo lagu soo riday ciidankooda ka hor iyo kaddib markii qaraxa lala beegsaday.

Waxaa ay sheegeen in dad shacab ah oo ka ag dhowaa goobta qaraxa lagula eegtay ay khasaare ka soo gaartay qaraxa.

Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan aanay ka baajin doonin inay sii wadaan taageerada Soomaaliya iyo dadaalada ay ugu jiraan in mustaqbalka la gaaro xasilooni iyo barwaaqo.

Ciidamada Talyaaniga ayaa xilligan hoggaaminaya howlgalka Tababarka Midowga Yurub, waxaana gaadiidkooda Milateri uu yahay mid caan ka ah magaalada Muqdisho oo lagu arko waddooyinka, xilliyada ay marayaan, iyadoo uu ka bananayo Calanka Talyaaniga.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka is qarxinta ee shalay lagu qaaday kolonyada Ciidamada Talyaaniga la socdeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip