Safiirka Somaliya ee QM oo ka hadlay Markab sida Dhuxul oo ku xirtay Ciraaq

0
Monday October 01, 2018 - 20:23:50 in Wararka by
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliya ee QM oo ka hadlay Markab sida Dhuxul oo ku xirtay Ciraaq

    Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan Baale oo war-saxafadeed soo saaray ayaa xaqiijiyay iney si qoto dheer kaga wallaacsan yihiin markab ay ku raran yihiin 200,000 Kiish oo dhuxul ah oo ka soo shareecday mid ka mid a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan Baale oo war-saxafadeed soo saaray ayaa xaqiijiyay iney si qoto dheer kaga wallaacsan yihiin markab ay ku raran yihiin 200,000 Kiish oo dhuxul ah oo ka soo shareecday mid ka mid ah Dekadaha Koonfurta Soomaaliya, kaasi oo ku xirtay Dekadda Ciraaq ee Umm Qasri.

Safiirka ayaa cambaareeyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dhoofinta sharci darada ee dhuxusha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in arrintaan dhibaato ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, maaddaama dhoofinta dhuxusha ay tahay isha ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo gelo Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida.

Markabka ayaa la sheegay inuu wato Document been abuur ah oo muujinaya inuu ka yimid dalka Chana.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday xukuumadda Ciraaq inay da dejiso baaritaannada ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo Kiiska Markabka.

Soomaaliya waxay si isku mid ah ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay taageeraan dadaallada looga hortagayo ka ganacsiga sharcidarada ah iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip