Wariye Tooxow Oo Xalay Dib U Helay Xurriyaddiisa
Waxaa xalay xurriyaddiisa dib u helay Wariye Maxamed C/weli Tooxow oo shalay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Galmudug ay ku xukuntay lix bilood oo Xabsi ah.
Sii deynta Wariyaha ayaa timid, kadib markii Ururada u dooda Saxaafadda ay dadaalo ku bixiyeen sidii uu xurriyaddiisa uu heli lahaa Wariyahaasi.
Wariye Tooxow oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dareenkiisa iyo sida uu arko in la cafiyo.
Waxaana uu sheegay in uu ku furaxsan yahay in uu markale helo xurriyaddiisa, isagoona tilmaamay in muddadii uu xirnaa uusan wax dhibaato ah kala kulmin xabsiga.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
Audio Player
00:00
Wariye Tooxow Oo Xalay Dib U Helay Xurriyaddiisa
Waxaa xalay xurriyaddiisa dib u helay Wariye Maxamed C/weli Tooxow oo shalay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Galmudug ay ku xukuntay lix bilood oo Xabsi ah. Sii deynta Wariyaha ayaa timid, kadib markii Ururada u dooda Saxaafadda ay dadaalo ku bixi