Shaqaaqo Xoogan Oo Ka Dhacday Deegaanka Garasbaaley

0
Monday October 01, 2018 - 19:52:01 in Wararka by
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaaqo Xoogan Oo Ka Dhacday Deegaanka Garasbaaley

    Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley Ibraahim Maxamed Rooble oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay shaqaaqo maanta ka dhacday gudaha deegaankaasi. Ibraahim Maxamed Rooble ayaa sheegay in taliyaha saldhigga Booliska degmada Dayniile ee gobolka Banaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley Ibraahim Maxamed Rooble oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay shaqaaqo maanta ka dhacday gudaha deegaankaasi. Ibraahim Maxamed Rooble ayaa sheegay in taliyaha saldhigga Booliska degmada Dayniile ee gobolka Banaadir uu weerar ku qaaday Askar ka tirsan Ciidanka maamulka Garasbaaley oo xilligaas ku mashquulsanaa dhismaha Waddo yar oo deegaankaasi laga hirgalinayay.

Waxaana uu tilmaamay in halkaasi uu ku dilay mid ka mid ahaa Askartaasinhalka mid kalena uu nolosha ku qabtay, islamarkaana uu qaatay Qoryihii ay wateen Askartaasi.

Sidoo kale Ibraahim Maxamed Rooble Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley ayaa hoosta ka xariiqay in uusan jirin wax khilaaf oo ka dhexeeya maamullada Garasbaaley iyo Dayniile, islamarkaana aysan garaneynin waxa uu u soo weerayay sarkaalkaasi.

Hase’ahaatee waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in ay soo faragaliyaan arrintaasi, islamarkaana ay wax ka qabtaaan dhibaatooyinkaasi.

Dhinac kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dhacdadaasi.

Balse waxaa dagan xaaladda goobtii ay ka dhacday shaqaaqadu , iyadoona gabi ahaan uu istaagay dhismihii Waddo ee ka socday halkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip