Gen. Indha Qarshe "Al Shabaab shacabka ayay dhibaateeyeen markii laga saaray Marko"

0
Monday October 01, 2018 - 19:04:46 in Wararka by
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gen. Indha Qarshe "Al Shabaab shacabka ayay dhibaateeyeen markii laga saaray Marko"

    Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay Al Shabaab kala wareegeen degaano hoostagga degamada Marko ee gobolka Sh/Hoose. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la fu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay Al Shabaab kala wareegeen degaano hoostagga degamada Marko ee gobolka Sh/Hoose. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la furay wadada xiriirisa Muqdiisho iyo Marko ee ka kala tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo gobolka Banaadir.

Waxa uu xusay in ciidanka xoogga dalka ay hada qorsheynayaan in ay Al Shabaab kala wareegeen degaano kale oo hada ay ciidamada ku wajahan yihiin.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in degaanada laga qabsado Al Shabaab ay ka jiraan xaalado adag maadaama Al-Shabaab ay horay u sii qaataan dhammaan adeegyadii bulshada.

Taliye Indha qarshe ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan awood u lahayn in gurmad deg deg ah ay u fidiyaan shacabka ku nool degaanada Al Shabaab laga qabsado.

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip