Dhageyso:-Gabar Ardayad Aheyd Oo Lagu Dilay Magalada Muqdisho

0
Monday October 01, 2018 - 08:36:58 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Gabar Ardayad Aheyd Oo Lagu Dilay Magalada Muqdisho

    Rag hubeysan oo watay Mooto ayaa duhurnimadii Maanta oo Axad ah waxa ay gabar Ardayad aheyd ku dileen Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir. Gabadhaan oo Magaceeda lagu sheegay Caa'isho Cali Saneey ayaa waxa ay xill

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan oo watay Mooto ayaa duhurnimadii Maanta oo Axad ah waxa ay gabar Ardayad aheyd ku dileen Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir. Gabadhaan oo Magaceeda lagu sheegay Caa'isho Cali Saneey ayaa waxa ay xilligaas ka timid Iskuul ay dhiganeysay oo ku yaalla agagaarka Hotelka Ramadaan. Hooyada dhashay Gabadhaas oo lagu Magacaabo Fartuun Abuukar Suubiye ayaa sheegtay in Gabadheeda ay mudo jiidjiidayeen balse daqiiqado kadib muran soo kala dhex galay ay dhowr Xabadood oo bustoolad ah ku dhufteen.

 
Waxa ay sheegtay in Gabadheeda ay ku jirtay Da’da 14-ka,isla markaana aysan garaneyn, goob waxbarasho ka timid loo dilay.

Iyada oo sii hadleysay ayay sheegtay in markii lagu soo wargeliyey in Gabadheeda dhaawacantay la geeyey Isbitaalka digfeer ee Maglada Muqdisho balse ay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray.

Waa dhacdadii labaad oo mudo bil gudahood ah Magalada muqdisho lagu dilo Gabar ka mid ah Ardayda waxka barata Iskuulada ku yaalla Magalada Muqdisho,waxana dilka Maanta la sheegay inay ka dambeeyeen koox burcad ah oo dooneysay inay ka qaataan Mobile ay wadatay.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Hooyada.

Audio Player
 
 
xigasho:- radiodalsan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip