Dhageyso:-Isbaarooyin Ku Soo Batay Shabeellaha Hoose & Maamulka Oo Ka Hadlay

0
Monday October 01, 2018 - 07:58:24 in Wararka by
  • Visits: 341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Isbaarooyin Ku Soo Batay Shabeellaha Hoose & Maamulka Oo Ka Hadlay

    Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaah Hoose ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen isbaarooyin mararka qaarkood dadka ku nool Gobolkaasi lagu dhibaateeyo. Guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaah Hoose ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen isbaarooyin mararka qaarkood dadka ku nool Gobolkaasi lagu dhibaateeyo. Guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in isbaarooyinka dadka dhiganaya aysan aheyn reer Shabeellaha Hoose. Waxa uu sheegay in dad ku yimid Magac Ciidan,isla markaana ka yimid Gobolo kale ay yihiin kuwa isbaarooyinka ay u yaallaan degmooyin ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dadka ku nool Gobolka Shabeellaha Hoose ay yihiin dad badi aan dhigan isbaarooyinka balse sida uu sheegay ay yihiin dad ka yimid deegaano kale oo dadka dhibaateynaya.

Hadalka Guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku soo aadaya xilli Shacabka qaarkood ay ka cabanayaan isbaarooyin la soo dhigay deegaano ka tirsan gobolkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Audio Player


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip