Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

0
Monday October 01, 2018 - 07:50:13 in Wararka by
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

    Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen ajandaha kulanka maanta inuu yahay sii wadista ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay xildhibaanada kaga doodayaan wax ka bedelka xeer hoosaadka baarlamaanka.

Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardar deglinaya kalfadhiga Afaraad ee golaha shacabka, kadib markii kalfadhigii Saddexaad lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen shaqooyinkii waajibka ahaa ee hor yaallay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip