HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 1-DA OKTOOBAR 2018-KA

0
Monday October 01, 2018 - 07:27:11 in Wararka by
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 1-DA OKTOOBAR 2018-KA

    GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO MAGACAABIS SAMEEYAY Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Xirsi Diirshe Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO MAGACAABIS SAMEEYAY Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Xirsi Diirshe Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir. Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha in uu si deg deg ah dib u habayn ugu sameeyo xubnaha iyo shaqada guddigaas oo lafdhabar u ah caddaalad iyo sinnaan loo horseedo shacabka tabashada qaba. "Hirgelinta hannaan caddaaladeed oo lagu kalsoon yahay, xal waarana u horseeda murannada iyo khilaafaadka ka taagan dhulalka iyo guryaha waxaa asaas u ah in dib loo habeeyo Guddiga qaabilsan arrinkaas."

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro musuq maasuqa iyo dikumiintiyada been abuurka ah ee lagu qaato hantida dadka.

Guddoomiyaha ayaa faray dhammaan xubnaha Guddiiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan hawlaha loo igmaday, si loo xalliyo tabashooyinka la soo gaarsiiyey Gobolka Banaadir ee la xiriira dhulalka iyo guryaha.

GAARI KU WAJAHNAA MAGALADA NAIROBI OO SHIL GALAY & 11 RUUX OO GEERIYOOTAY

Inta la xaqiijiyey 11 Ruux ayaa geeriyootay kuwo kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii Gaari Bas ah uu ku dhacay Gaari kale Wadada iskuxirta Magaalooyinka Naivasha iyo Gilgil ee dalka Kenya.

Saraakiil Booliska ah ayaa waxa ay sheegeen in Gaariga Baska ah uu ku dhacay Gaari nooca Xamuulka qaado ah,isla markaana Gaariga Baska ah uu ku wajahnaa Magalada Nairobi.

"11 qof ayaa markiiba goobta ku dhintay oo isugu jira rag iyo dumar afar ka mid ah waxaa looal cararay isbitaalka Four other ayuu yiri taliyaha booliska Gilgil ayaa OCPD Emmanuel Opuru.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay 25 qof oo kale oo shilkaasi ku dhaawacantay la geeyey Isbitaal heerkiisu sareeyo oo ku yaalla Magalada Nakuru si halkaasi loogu soo daweeyo.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Shilalka Gawaarida ay ku soo bateen Magaalooyinka dalka Kenya,waxaana taasi keentay in xildhibaanada u yeeraan abaanduulaha Ciidamada Booliska Joseph Boinnet.

HOOYO ILMA YAR OO AY DHASHAY KAGA TAGTAY ISBITAAL KU YAALLA MUQDISHO

Hooyo magaceeda lagu sheegay Xamdi Xasan Macalin ayaa wiil ay ku dhashay Isbitaalka Wardi ee degmada Xamar Jajab kaga dhex tagtay Isbitaalka oo ka dhuumatay, sida dhaqaatiirta ay sheegeen.

Sawirro laga soo qaaday wiilkan yar ayaa muujinaya isaga oo lagu xanaaneynayo qeybta caruurta ee isbitaalka, waxaana wiilkan loo bixiyay Maxamed.

Dr. Maxamed Aadan oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka ayaa wuxuu sheegay markii hooyada ay dhashay ubadkeeda, gargaar deg deg ahna loo sameeyay in canugeeda yar ay xilli saq dhexe ah isbitaalka kaga dhuumatay.

Maamo Xaawo oo ka mid ah hawlwadeenada Isbitaalka Wardi ayaa sheegtay inay kafaalo qaadeyso haysmada wiilkaasi yar ee Hooyadiis Isbitaalka kaga dhex dhuumatay.

Inkastoo dhacdooyinka nuucaan oo kale ah aysan ugub ku hayen Soomaalida dhexdeeda hadana waa dhacdo kale oo xanuun badan, maadaama wiilkan oo dhalan wax ka yar Saddex maalmood ay ka tagtay hooyadiisa daruufo iyada heysta aawadeed.

MAAMULKA SOMALILAND OO MARKII UGU HOREYSAY 29 KOOXOOD TARTAN U DHIGAY

Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland oo ah xidhiidh qaabfarsamo ah u dajiyey tartankii isku dhafka kooxaha caasimadda oo ka koobnaa 29 kooxood oo isugu jiray heerar kala duwan ee soo dhammaaday

Tartankaa isku dhafka kooxaha caasimadda oo noqday tartankii ugu horreeyay ee la qabto Somaliland .Islamarkaanna bulshadda Somaliland si fiican indhaha ugu hayeen intii tartankaasi ka bilowday Hargeysa Stadium.

Tartanka oo ahaa mid qurxiyey kubbadda cagta Somaliland oo keenay in dhalinyaro loo abuuro jawi isdhexgal iyo furfuran xirfaddeed oo qurxisay qaabciyaareedka kubbadeed.

Tartanka iskudhafka kooxaha ee isukeenay ciyaartooy badan baa waxa tartanka sii adkeeyey sharcigii lagu hagayay kooxaha heerarka kala duwan soo maray oo bundhig looga dhigay in lagu hago sharciga kala xadeeyey ciyaartoyadda iyo garsoorka.

Haddaba akhriste maxaynu ka baran karnaa dhacdooyinkii laga diiwaangeliyey intii u tartankaasi socotay iyo qoddobaddii sharciga xidhiidhku qaaday intii tartankaasi socday iyo Qodobaddii lagu jiheeyey in aannu tartankaasi meesha ka bixin iyo inuu tartanku ku socdo jidwalkii loo dhigay.

1Guddida anshaxa oo ganaax ku riday laacib aan rasmi ahaan uga tirsanayn naadigaas.

2Kooxda kubadda cagta Dawadda Hoose oo lagu riday Ganaax saamayey tababaraha iyo afar ciyaartoy oo lafdhabar ah.

3Ciyaartoyga laba kaadh oo Huruud ah qaata waxa uu kooxdiisa ka maqnaan doonaa hal ciyaar, mana jirto kaadh masaxmaya marka laga soo baxo Groupska. Sidoo kale ciyaartoyga kaar Cas oo toos ah qaata wuxuu ka fadhiyayaa kooxdiisa ciyaarta laga saaray iyo laba ciyaarood oo kale.”

4Direyska koox kasta ay maalinta ciyaartooda ay ku ciyaarayso waxaa jaangoynaya XKC si looga hortaggo isku eekaansho midabadda kooxaha iyo garsoorka, waxaana koox kasta loo tixgelinaya direyskooda koowaad.

5Haddii kooxi ka dareerto garoonka iyaga oo Garsoorka wax ka tirsanaysa si toos ah ayaa dhibcaha loogu wareejin doonaa kooxda kale, marka kooxdii garoonka ka dareertay la suggo muddo 10 daqiiqo oo keliya.

6Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo ka garsoore ka mamnuucay dhexdhexaadinta ciyaaraha, kaddib markii uu sameeyey khaladaad weyn ciyaar dhex martay laba kooxood.

Tartanka dhammaaday ee isku dhafka kooxaha oo ahaa tartan qurxiyey kubadda cagta Somaliland isuna soo jiiday isdhexgalka Bulsho oo noqday tartan laga baran karro sidda bulshadda Somaliland uga kortay ku jiiqsiggii kubadda cagta ka dhexjirtay iyo wasaaradda ciyaaraha Somaliland oo iyadduna sharciyadeedu noqdeen kuwa dhaxalgal ah oo kala jiheeyey kooxaha iyo garsoorka.Taasina waxay maragcad u tahay in wasaaradda ciyaaruhu noqday wasaarad ka soo baxday shaqadii loo igmaday iyo in dhallinyaraddo loo abuuro fanciyaareed oo ka joojiya balwadaha iyo waxyaabaha qaranka dhibaatadda u keenaya.

XISBI UU HOGGAAMINAYO MADAXWEYNIHII HORE EE XASAN SHEEKH OO LOOGA DHAWAAQAY MUQDISHO (AKHRISO)

Xisbi la magac baxay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo, kaasoo uu hoggaamiye u noqon doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida wararku sheegayaan Xisbigan ayaa waxaa ku midoobi doono Xisbigii Daljir, Kutlada Horusocod, PDP iyo Siyaasiyiin kale, waxaana xubnaha ugu firfircoon Xisbigan ka tirsan yihiin Baarlamaanka Labada Aqal.

Xisbigan ayaa durba la shaaciyay Astaanta ama Logada uu yeelanayo, iyadoo shirweyne Xisbiga uu isugu imaan doono lagu ansixinayo Dastuurka Xisbiga.

Wararka ayaa sheegaya in Munaasabad weyn oo lagu shaacinayo Xisbiga ay ka dhici doonto magaalada Muqdisho maalinta Khamiista ee soo socota.

Shirweyne ay daraad ku yeesheen magaalada Muqdisho Xisbiga Daljir ayaa waxay ku shaaciyeen inay si rasmi ah ugu biirayaan midow Xisbiyo Qaran oo hal xisbi isku noqonaya, iyadoo dhaqan galkiisa uu bilaabayo shalay oo 30ka bisha September ah.

Shirar ka socday gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa lagu heshiiyay inay hal xisbi ku midoobaan Xubno siyaasiyiin iyo Xildhibaano mucaarad ah, waxaana Xisbigan la filayaa inuu noqdo xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ku midoobaan.

MADAXDA HIRSHABELLE IYO GUDDI KA SOCDA AQALKA SARE OO MUQDISHO KU KULMAY

hsm Guddiga loo xilsaaray xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowlada federalka iyo madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabelle halka guddiga Aqalka Sare uu hogaaminayay Senatar Maxamed Xuseen Raagge,Senatar Mustafa Qodax,Naciimo Maxamed Yuusuf iyo qaar kale.

Kulanka intii uu socday ayaa labada dhinac waxa ay si weyn kaga hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka maamulka curdunka ee Hirshabeele, xildhibaanada ayaa sido kale warbixino ka dhageystay madaxada Hirshabeele.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u sheegay guddigan in dhowaan ay madaxda dowlada federalka ah ka heshiiyeen arrimo hoose oo u gaar ah dowlad goboledka Hirshabelle balse arrimaha masiiriga ah sida doorashooyinka iyo arrimaha dhamaystirka dastuurka ay kala mid yihiin maamul goboleedyada kale ee ka jira dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u gudbiyay Guddiga Aqalka Sare caqabadaha maamulkiisa haysta ee dhinacyada amniga iyo mid bulshaba waxaana uu guddigu ay sheegeen dhamaan waxyaabihii ay kala kulmeen mas’uuliyiinta Hirshabeele in ay kula laaban doonaan Aqalka Sare.

XILDHIBAAN ZAKARIYE OO KA DIGAY WAX KA BEDELKA XEER HOOSAADKA BAARLAMAANKA IYO QORSHAHA KA DAMBEEYA

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay ka feejignaadaan wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Baarlamaanka oo la doonayo in meelo gaar laga bedelo.

Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in xeer hoosaadka uu yahay meelaha Baarlamaanka ka dhaq dhaqaaqo, isagoo xusay in toos loo bartilmaameedsanayo xasaanadda Xildhibaanada.

Zakariye-Xaaji-696x385 "Annagu wax waa garan karnaa, dad iskool galay nahay oo jamacado ka baxay, dad wax badan shaqeynayay baa nahay, xeer hoosaadkan waa bartilmaameed waxaa la abaaray meelaha baarlamaanka ka dhaq dhaqaaqo, hadaad idinka garan weydaan hadaad iska mootisaan, aniga qof ayaa ka ahay, xasaanadii Baarlamaanka waxaa la geliyay calaamad su’aal.

Waxaa uu sheegay in meelaha Baarlamaanka ka dhaqaaqayo la bartilmaameedsanayo sida qodobka 68aad ee Mooshinka ah, isla markaana la doonayo in awooddii Baarlamaanka hoos loo dhigo.

Xildhibaan Zakariye ayaa ugu baaqay Guddiga Xeer Hoosaadka inay dib u celiyaan dhammaan documentiga xeer hoosaadka, isla markaana loogu tala galay in laga bedelo meelo gaar ah oo aan loogu tala gelin in nuxurka wax laga bedelo.

Qodobada Xeer Hoosaadka ayaa ah awoodaha Xildhibaanada, marka laga soo tago Dastuurka, waxaa ku jira qodobo faraya waajibaadka Xildhibaanka ee la xisaabtanka Xukuumadda.

GUDDOOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO XALIYAY TABASHADA KALLUUMEYSATADA DEGMADA C/CASIIS

Waxaa la xaliyay cabasho ay qabeen Iskaashatada Kalluunka degmada C/casiis oo ku saabsan xirnaanshaha maalinti labaad ee kawaanka Malaayga degmada oo la sheegay in la siiyay shaqsiyaad, iyadoo tallabadaas ka dhalatay banaan bax ay shalay dhigeen kalluumeysatada degmada C/casiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ku baxay cabashada kalluumeysatada, iyagoo booqday xarunta Iskaashtada Kaluunka ee degmada C/casiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhageystay cabashada Iskaashtada,isagoo amar ku bixiyey in shaqadii uu kawaanku qaban jiray dib loo bilaabo, maamulka Banaadir iyo Hay’adaha ammaankuna diyaar u yihiin sidii wadajir looga shaqayn lahaa xalinta tabashadooda.

"Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha ammaanku mar walba waxay u taagan yihiin xalinta cabashada bulshada,Kawaankiina waa idiin furan yahay, hadda wixii ka danbeeyana waa in wadajir looga shaqeeyaa maslaxadda guud, gaar ahaan badqabka xeebta Liido oo aad muhiim u ah”ah ayuu yiri Eng. Yariisow.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kula dardaarmay Iskaashatada Kaluunka in laga fakero mustaqbalka Carruurta Soomaaliyeed ee u soo dabaal taga Xeebta Liido, lagana ilaaliyo wax walba oo khatar keeni kara, gaar ahaan dhiigga Kalluunka ee ku data xeebta, kaasoo keena in Libaax badeedku soo raaco.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Guddiga Iskaashatada Kalluunka ayaa sheegay in dhankooda ay ka shaqeyn doonaan ilaalinta nadaafadda deegaanka, isagoo uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dibufuridda kawaanka.

RAG HUBEYSAN OO XALAY TOOGASHO KA GEYSTAY MUQDISHO

Wararka aan ka heleyno degmada Xamar Weyne ayaa waxa ay sheegayaan in xalay suuqa degmadaasi uu ka dhacay dil ay wiil dhalinyaro ah u geysteen rag hubeysan.

Dilkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii wiil dhalinyaro uu is hor istaag ku sameeyay rag hubeysan oo telefoon qaali ah ka dhacay gabar ku sugneyd degmada Xamar Weyne, taasi oo ku qeylisay in laga caawiyo sidii telefoonkeeda kooxdan hubeysan uga soo ceshan laheyd.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Ayuub Axmed Daahir Tooxow ayaa ka mid ahaa ganacsatada suuqa degmada Xamar Weyne, wuxuuna ku jiray markii hore gudaha carwadiisa, balse wuxuu ku soo baxay qeylada gabadha.

Raggii dilka geystay oo watay Mooto Bajaaj ayaa durba ka baxsaday goobta, sida ay inoo sheeegeen dad goobjoog u ahaa dhacdadan.

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada degmada Xamar Weyne Maxamuud Cali Xasan ayaa sheegay in lagu daba jiro dableyda dilka geysatay.

Maalmahan ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay dhaca ay geysanayaan ragga hubeysan, welina ma jirto cid wax ka qabata.

DOWLADDA "WAALA GAARAY WAQTIGII FARMAAJO UU KA DEGI LAHAA HARGEYSA”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in dardar iyo juhdiba la geliyo sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo istaagay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in qorshaha uu ahaa inay wada hadal yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi bishii April ee sanadkan, balse uu u baaqday dagaalkii ka dhacay degaanka Tukaraq.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka in madaxweyne Farmaajo diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargeysa isaga oo calanka Soomaaliya sida.

"Waala gaaray waqtigii madaxweynaha uu ka degi lahaa Hargeysa dibna u bilaabmi lahaayeen wada hadalada, sidoo kale waala gaaray xilligii madaxweyne Muuse Biixi uu ka soo degi lahaa Muqdisho, hadii cid walba ay joogto booskeeda wax soconaya malahan”. Ayuu yiri R.W kuxigeenka dalka oo la hadlay BBCda.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Somaliland Sacad Cali Shire ayaa dhankiisa sheegay in aan wali la isla gaarin in madaxweynaha Soomaaliya uu ka dego magaalada Hargeysa balse ay ka horeeyaan wada hadalo.

"Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland iminka waxay ku jiraan hakad, kadib markii dowladda ay faragelin ku sameysay heshiiskii Dekeda Berbera ee Somaliland iyo Imaaraadka, si ay inoogu suuro gasho inaan wada hadalkan bilawno waxaa ka horeysa inaan is ictiraafno”. Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horey u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax miro dhal ah.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO SHEEGAY IN HAWLGAL LAGU DILAY XUBNO KA TIRSAN AL SHABAAB

Shirka caadiga ah ee Golaha Jubbaland-5-696x475Xukuumada Jubbaland oo shalay uu shir gudoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagaga hadlay xaaladaha amniga, siyaasada iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa golaha u faah faahiyay hawlgalo ay sameeyeen Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Danab Jubbaland iyo Ciidamada Darawiishta oo iskaashanaya kuwaas oo ka dhacay Gobolka Gedo gaar ahaan duleedka Degmada Beledxaawo iyo deegaanka Janaay Cabdall, wuxuu Madaxweynahu sheegay in hawlgaladaas lagu dilay tiro ka tirsan Al Shabaab.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamadu ay sii wadi doonan howlgalada isla markana deegaano hor leh ay Ciidamadu tagi doonan.

Arimaha Siyaasada waxaa golahu uu soo dhaweeyay dadaalka Aqalka Sare uu wado kaas oo lagu xalinayo khilaafka ka dhexeeya dowlada federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa ka warbixisay shirkii Caafimaadka iyo dabar jarka xanuunka dabaysha ee dhawaan lagu qabtay magaalada Kismaayo kaas oo Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya ay iska kashanayaan sidii xanuunka dabaysha iyo dhamaan xanuunada faafa looga cirib tiri lahaa xuduudka Barnaamijkan dhawaan bilaaban doona.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadku waxay soo bandhigtay qorshaha daryeelka Ciidamada Jubbaland gaar ahaan qaybta dhismaha Isbitaalada Ciidanka oo wajigiisa ugu horeeya laga hirgalinayo magaalada Kismaayo kadibna loo dhaadhicinayo dhamaan Jubbaland si loo daryeelo Ciidamada dowladda.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa iyana waxay soo bandhigtay qorshaha dhismaha kawaan weyn oo xoolaha magaalada lagu qalo looga hirgalinayo magaalada kaas oo Wasaaradu ay gacanta ku hayn doonto si fayadhowrku u noqdo mid Wanaagsan.

GABAR ARDAYAD AHEYD OO LAGU DILAY MAGALADA MUQDISHO

Rag hubeysan oo watay Mooto ayaa duhurnimadii Shalay oo Axad ah waxa ay gabar Ardayad aheyd ku dileen Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir.

Gabadhaan oo Magaceeda lagu sheegay Caa’isho Cali Saneey ayaa waxa ay xilligaas ka timid Iskuul ay dhiganeysay oo ku yaalla agagaarka Hotelka Ramadaan.

Hooyada dhashay Gabadhaas oo lagu Magacaabo Fartuun Abuukar Suubiye ayaa sheegtay in Gabadheeda ay mudo jiidjiidayeen balse daqiiqado kadib muran soo kala dhex galay ay dhowr Xabadood oo bustoolad ah ku dhufteen.

Waxa ay sheegtay in Gabadheeda ay ku jirtay Da’da 14ka,isla markaana aysan garaneyn, goob waxbarasho ka timid loo dilay.

Iyada oo sii hadleysay ayay sheegtay in markii lagu soo wargeliyey in Gabadheeda dhaawacantay la geeyey Isbitaalka digfeer ee Maglada Muqdisho balse ay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray.

Waa dhacdadii labaad oo mudo bil gudahood ah Magalada muqdisho lagu dilo Gabar ka mid ah Ardayda waxka barata Iskuulada ku yaalla Magalada Muqdisho,waxana dilka Shalay la sheegay inay ka dambeeyeen koox burcad ah oo dooneysay inay ka qaataan Mobile ay wadatay.

SOOMAALILAND OO SHURUUD KU XIRTAY WADAHADALLO AY LA GASHO SOOMAALIYA

Soomaaliland ayaa jawaab ka sacad-1bixisay hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ahaa in ay wadahadallo la furayaan Soomaaliland,isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu booqan doono Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wadahadalka labada dhinac oo bilowday sanadkii 2012kii uu iminka hakad ku jiro, hakad kaansna ay keentay cabashadii dawladda Federaalka ahi ay ka muujisay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Somaliland, Itoobiya iyo Sharikadda DP World ee ku aaddanaa dekedda Berbera, balse wuxuu sheegay in taas macneheedu aanay ahayn in aanay diyaar u ahayn in wadahadalka dib loo bilaabo.

Su’aal ay BBCdu waydiisay Wasiir, Sacad Cali Shire oo ahayd waxa hortaagan in wadahadalku uu ka dhaco Hagaysa ama Mudisho, ayuu kaga jawaabay in arrintaasi ay ka horrayso in la is ictiraafo oo Somaliland la aqoonsado balse inta ka horraysana ay noqonayso in meelo kale oo markhaatiyaal leh lagu wadahadlo.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland oo weli aaminsan in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2012 ku shiray dalalka dibadda ilaa sideed jeer oo kala duwan balse aanay kasoo bixin heshiisyo meel mar ah.

MAXAY KU NACDAY MAGACEEDII UBAX MAXAMED OO AH QORAA KATIRSAN HOLLYWOOD

In shaqo laga helo TV Maraykanka kuyaal wixii ka dambeeyey weerarkii 11kii Sebtember waxay ahayd arrin aan sahlanayn adigoo waliba lagu yiraahdo magaca Ubax Maxamed.

"Tijaabo ahaan, Ayaan u baddalay magacaygii isla markiina waxaan helay shaqo ah caawiye soo saare" ayay tiri Ubax Maxamed oo markii dambe ku caan baxday mid kamid ah magacyada ay reer galbeedku la baxaan.

" Waxaan todobaad kasta la bixi jiray magac cusub, waxayna ahayd arrin cabsideeda leh" ayay tidhi ayadoo ku sugan California.

Qoyskeedu waxay u guureen Memphis ayagoo kasoo guuray New York markii ay jirtay 13 sano, ayadoo markii ay ogaatay in ay kasoo jeeddo Soomaaliya ay caqabad hor leh ku noqotay.

Balse magac baddalashadaas waxay ahayd wax la soo dhaafay, haatan ayadoo Soomaali American ah ayay si xarrago leh loogu yeeraa magaceedii saxda ahaa waxayna ka shaqaysaa sharikadda filimada ee Hollywood.

Booqashadeedii soomaaliya kadib, Ubax Maxamed waxay tiri waan bogaadinayaa in Hooyaday ay Maraykanka i keento.

Waxay qortay bandhigyada sida Whispers iyo Arrow iminkana waa shaqaale katirsan CW Television Network, oo gacanta ku haya filimka taxanaha ah ee Legends of Tomorrow.

Xariifnimadeeda, iskastoo shaqooyin badan loo diiday, haddana heerka ay shalay joogto waxay ku gaartay in ay noqotay qof aan ku dhagganayn dhaqankeeda oo kaliya.

Iminka waxay ku nooshahay, Los Angeles, Ubax waxay u wayn tahay saddex caruur ah oo walaalaheed ah.

Hooyadeed Caasha Cabdullaahi iyo saalax Maxamed,oo isku bartay iskuna guursaday soomaaliya, ayaa usoo guuray Maraykanka si ay halkaas u dagaan waxna uga bartaan.

Booqashadeedii dhulkii waalidkeed ay kasoo jeedeen, sanadkii 2000, Ubax waxay safar ku tagtay magaalada Waqooyiga kutaal ee Ceerigaabo, halkaas oo ay kusoo aragtay qabriyo hore oo caan ah.

GUDDOOMIYE KU XIGEENKA XISBIGA KULMIYE EE SOMALILAND OO SHEEGAY IN XILKII LAGA QAADAY GUDDOOMIYIHII GOLAHA DHEXE EE XISBIGAAS

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere, ayaa shalay waxa uu sheegay in guddiga fulinta ee Xisbiga kulmiye uu xilkii guddoomiyenimada golaha dhexe iyo kii xubinnimada golahaas laga qaaday Jaamac Ismaaciil Cige oo ahaa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, kadib markii golahaasi uu fadhi ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbigaasi uu kulleyahay magaalada Hargaysa.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Dheere, ayaa sababta xilka qaadistaan ku sheegay in guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) uu ka horyimid siyaasadda iyo xeerka xisbiga, asagoo ku kacay abaabul iyo kicin kadhan ah siyaasadda xisbiga iyo xukuumadda uu katirsan yahay, wuxuuna sheegay in marar badan uu adeegsaday warbaahinta oo uu eedaymo usoo jeediyey xukuumadda iyo xisbigaba.

Dhinaca kalena Jaamac Ismaaciil Cige waxa uu BBCda u sheegay in xilka qaadistiisu aanay sharci ahayn iyo in jagada guddoomiye ku xigeenka labaaad ee xisbiga Kulmiye ay bannaan tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, sidaas darteedna aanu sharci u lahayn in uu isugu yeero xubnaha gudiga fulinta oo isla mar ahaantaasna ay go'aanno qaataan.

Jaamac Shabeel wuxuu kaloo intaas kudaray in golaha dhexe uu yahay hay'dda ugu sarraysa ee xisbiga oo uu ka sarreeyo guddiga fulinta isla mar ahaantaas ay asaga soo doorteen golohaasi, sidaas darteedna xilka qaadistiisu aanay ahayn mid sharciga waafaqsan uuna gadaal ka sheegi doono faahfaahinta arrintan la xiriirta. 

BOGGA CAYAARAHA..

JOHN TERRY OO KU SOO LAABANAYA KOOXDA CHELSEA

Tery Difaacii hore ee kooxda Chelsea, John Terry ayaa kusoo laabanaya kooxdiisii hore isagoo noqonaya macallinka 23-jirrada Blues.

37-jirkan ayaa ka maqnaa garoomada kubadda cagta tan iyo dhammaadka xilli ciyaareedkii hore, maadaama uu dhammaaday qandaraaskiisa kooxda Aston Villa uu dhammaaday.

waxa uu ku sigtay inuu u ciyaaro kooxda Spartak Moscow, balse laacibkii hore ee England ayaa iska joojiyay ka ciyaarista horyaalka Russia.

Waxaa mar lala xiriiriyay in uu Frank Lampard oo ay Stamford Bridge ka wada ciyaareen kula biiro maamulka kooxda Derby County oo uu hadda Lampard macallin u yahay.

si kastaba ha ahaatee, The Sun ayaa werrineysa in John Terry uu saxiixi doono heshiis uu ku qaadan doono £800,000 sanadkii.

Waxa uu shaqada ka beddelayaa Jody Morris oo kula biiray Lampard kooxda Derby, isagoo hor kici doono kooxda Chelsea ciyaartoydeeda dhallinyarada ah.

Captain-kii hore ee Blues ayaa billaabi doona shaq-adiisa marka uu soo dhammeysto barashadiisa macallinimo isagoo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Paris ee caasimadda France.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip