Dowladda "Waala gaaray waqtigii Farmaajo uu ka degi lahaa Hargeysa"

0
Sunday September 30, 2018 - 23:44:06 in Wararka by
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda "Waala gaaray waqtigii Farmaajo uu ka degi lahaa Hargeysa"

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in dardar iyo juhdiba la geliyo sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo istaagay. Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in dardar iyo juhdiba la geliyo sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo istaagay. Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in qorshaha uu ahaa inay wada hadal yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi bishii April ee sanadkan, balse uu u baaqday dagaalkii ka dhacay degaanka Tukaraq. Wuxuu sheegay Ra'iisul Wasaare kuxigeenka dalka in madaxweyne Farmaajo diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargeysa isaga oo calanka Soomaaliya sida.

"Waala gaaray waqtigii madaxweynaha uu ka degi lahaa Hargeysa dibna u bilaabmi lahaayeen wada hadalada, sidoo kale waala gaaray xilligii madaxweyne Muuse Biixi uu ka soo degi lahaa Muqdisho, hadii cid walba ay joogto booskeeda wax soconaya malahan”. Ayuu yiri R.W kuxigeenka dalka oo la hadlay BBC-da.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Somaliland Sacad Cali Shire ayaa dhankiisa sheegay in aan wali la isla gaarin in madaxweynaha Soomaaliya uu ka dego magaalada Hargeysa balse ay ka horeeyaan wada hadalo.

"Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland iminka waxay ku jiraan hakad, kadib markii dowladda ay faragelin ku sameysay heshiiskii Dekeda Berbera ee Somaliland iyo Imaaraadka, si ay inoogu suuro gasho inaan wada hadalkan bilawno waxaa ka horeysa inaan is ictiraafno”. Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horey u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax miro dhal ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip