Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay xisbiga Kulmiye ee Maamulka Somaliland

0
Sunday September 30, 2018 - 23:39:16 in Wararka by
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay xisbiga Kulmiye ee Maamulka Somaliland

    Guddoomiyihii xisbiga talada haya ee Maamulka Somaliland Jaamac Ismaaciil Cige ayaa ku tilmaamay xil ka qaadis ay ku sameeyeen golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye inuu yahay sharci darro. Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee Bbcda ayuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii xisbiga talada haya ee Maamulka Somaliland Jaamac Ismaaciil Cige ayaa ku tilmaamay xil ka qaadis ay ku sameeyeen golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye inuu yahay sharci darro. Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee Bbcda ayuu Jaamac Shabeel ku sheegay in xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye ay banana tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, sidaas darteedna aanu sharci u lahayn in uu isugu yeero xubnaha gudiga fulinta oo isla mar ahaantaasna ay go'aanno qaataan. Jaamac Shabeel wuxuu kaloo intaas kudaray in golaha dhexe uu yahay haya'dda ugu sarraysa ee xisbiga oo uu ka sareeyo guddiga fulinta isla mar ahaantaas ay asaga soo doorteen golohaasi, sidaas darteedna xilka qaadistiisu aanay ahayn mid sharciga waafaqsan uuna gadaal ka sheegi doono faahfaahinta arrintan la xiriirta.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere, ayaa maanta waxa uu sheegay in guddiga fulinta ee Xisbiga kulmiye uu xilkii guddoomiyenimada golaha dhexe iyo kii xubinnimada golahaas laga qaaday Jaamac Ismaaciil Cige oo ahaa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, kadib markii golahaasi uu fadhi ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbigaasi uu kulleyahay magaalada Hargaysa.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Dheere, ayaa sababta xilka qaadistaan ku sheegay in guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) uu ka horyimid siyaasadda iyo xeerka xisbiga, asagoo ku kacay abaabul iyo kicin kadhan ah siyaasadda xisbiga iyo xukuumadda uu katirsan yahay, wuxuuna sheegay in marar badan uu adeegsaday warbaahinta oo uu eedaymo usoo jeediyey xukuumadda iyo xisbigaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip