Duqa Muqdisho Oo Magacaabis Sameeyey (Wareegto)

0
Sunday September 30, 2018 - 23:24:00 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho Oo Magacaabis Sameeyey (Wareegto)

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Xirsi Diirshe Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir. Eng.Ya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Xirsi Diirshe Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir. Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha in uu si deg deg ah dib u habayn ugu sameeyo xubnaha iyo shaqada guddigaas oo lafdhabar u ah caddaalad iyo sinnaan loo horseedo shacabka tabashada qaba.

"Hirgelinta hannaan caddaaladeed oo lagu kalsoon yahay, xal waarana u horseeda murannada iyo khilaafaadka ka taagan dhulalka iyo guryaha waxaa asaas u ah in dib loo habeeyo Guddiga qaabilsan arrinkaas.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro musuq maasuqa iyo dikumiintiyada been abuurka ah ee lagu qaato hantida dadka.

Guddoomiyaha ayaa faray dhammaan xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan hawlaha loo igmaday, si loo xalliyo tabashooyinka la soo gaarsiiyey Gobolka Banaadir ee la xiriira dhulalka iyo guryaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip