Madaxda Hirshabelle iyo Guddi ka socda Aqalka Sare oo Muqdisho ku kulmay

0
Sunday September 30, 2018 - 23:14:44 in Wararka by
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Hirshabelle iyo Guddi ka socda Aqalka Sare oo Muqdisho ku kulmay

    Madaxda Hirshabelle iyo Guddi ka socda Aqalka Sare oo MuGuddiga loo xilsaaray xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowlada federalka iyo madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulankan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Hirshabelle iyo Guddi ka socda Aqalka Sare oo MuGuddiga loo xilsaaray xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowlada federalka iyo madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabelle halka guddiga Aqalka Sare uu hogaaminayay Senatar Maxamed Xuseen Raagge,Senatar Mustafa Qodax,Naciimo Maxamed Yuusuf iyo qaar kale. Kulanka intii uu socday ayaa labada dhinac waxa ay si weyn kaga hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka maamulka curdunka ee Hirshabeele, xildhibaanada ayaa sido kale warbixino ka dhageystay madaxada Hirshabeele. Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u sheegay guddigan in dhowaan ay madaxda dowlada federalka ah ka heshiiyeen arrimo hoose oo u gaar ah dowlad goboledka Hirshabelle balse arrimaha masiiriga ah sida doorashooyinka iyo arrimaha dhamaystirka dastuurka ay kala mid yihiin maamul goboleedyada kale ee ka jira dalka.qdisho ku kulmay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waareayaa u gudbiyay Guddiga Aqalka Sare caqabadaha maamulkiisa haysta ee dhinacyada amniga iyo mid bulshaba waxaana uu guddigu ay sheegeen dhamaan waxyaabihii ay kala kulmeen mas’uuliyiinta Hirshabeele in ay kula laaban doonaan Aqalka Sare.

 

kulanka Maamulka Hirshabelle iyo Guddiga Aqalka Sare
6of 10
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip