Guddoomiyaha G/Banaadir oo Xaliyay tabashadii Iskaashatada Kawaanka ee Degmada C/Casiis

0
Sunday September 30, 2018 - 22:44:32 in Wararka by
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha G/Banaadir oo Xaliyay tabashadii Iskaashatada Kawaanka ee Degmada C/Casiis

    Muqdisho: Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed ayaa booqday xarunta Iskaashtada Kaluunka ee degmada Cabdica

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho: Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed ayaa booqday xarunta Iskaashtada Kaluunka ee degmada Cabdicasiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhageystay cabashada Iskaashtada,isagoo amar ku bixiyey in shaqadii uu kawaanku qaban jiray dib loo bilaabo, maamulka Banaadir iyo Hay’adaha ammaankuna diyaar u yihiin sidii wadajir looga shaqayn lahaa xalinta tabashadooda.

"Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha ammaanku mar walba waxay u taagan yihiin xalinta cabashada bulshada,Kawaankiina waa idiin furan yahay, hadda wixii ka danbeeyana waa in wadajir looga shaqeeyaa maslaxadda guud, gaar ahaan badqabka xeebta Liido oo aad muhiim u ah”.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kula dar-daarmay Iskaashatada Kaluunka in laga fakero mustaqbalka Caruurta Soomaaliyeed ee u soo dabaal taga Xeebta Liido, lagana ilaaliyo wax walba oo khatar keeni kara, gaar ahaan dhiigga Kaluunka ee ku data xeebta, kaasoo keena in Libaax badeedku soo raaco.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Guddiga Iskaashatada Kaluunka ayaa sheegay in dhankooda ay ka shaqeyn doonaan ilaalinta nadaafadda deegaanka, isagoo uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-furidda kawaanka oo maalmihii la soo dhaafay aan shaqeynayn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip