Wasaaradda Howlaha guud oo saxiixday heshiisyo dhowr ah

0
Sunday September 30, 2018 - 11:13:55 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Howlaha guud oo saxiixday heshiisyo dhowr ah

    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Xasan Ismaaciil oo ka qeyb galayay shir looga hadlayay sidii looga qeyb qaadan lahaa Barnaamijka Isxilqaan ayaa sheegay in Wasaaradda ay saxiixday heshiisyo kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Xasan Ismaaciil oo ka qeyb galayay shir looga hadlayay sidii looga qeyb qaadan lahaa Barnaamijka Isxilqaan ayaa sheegay in Wasaaradda ay saxiixday heshiisyo kala duwan. Waxaa uu sheegay Wasiir Jamaal iney jiraan heshiisyo ay Wasaaradda la gashay Beesha caalamka,kaasi oo ku aadan dib u dhiska iyo soo celinta bilicda dalka. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa sheegay in Wasaaraddu ay goob joog ka aheyd heshiis dhawaan ay Wasaaradda arrimada dibadda la saxiixatay Beesha Caalamka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Wasiirku in dib u dhiska dalka uu galayo loo baahan yahay in ay ka qeyb qaataan Shirkadaha ka shaqeeya dhismaha Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaa ayaa waddo qorshayaal lagu dhisayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo Gobollada dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip