Xildhibaan Zakariye oo ka digay wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Baarlamaanka iyo qorshaha ka dambeeya

0
Sunday September 30, 2018 - 11:06:35 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Zakariye oo ka digay wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Baarlamaanka iyo qorshaha ka dambeeya

    Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay ka feejignaadaan wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Baarlamaanka oo la doonayo in meelo gaar laga bedelo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay ka feejignaadaan wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Baarlamaanka oo la doonayo in meelo gaar laga bedelo.

Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in xeer hoosaadka uu yahay meelaha Baarlamaanka ka dhaq dhaqaaqo, isagoo xusay in toos loo bartilmaameedsanayo xasaanadda Xildhibaanada.

"Annagu wax waa garan karnaa, dad iskool galay nahay oo jaamacado ka baxay, dad wax badan shaqeynayay baa nahay, xeer hoosaadkan waa bartilmaameed waxaa la abaaray meelaha baarlamaanka ka dhaq dhaqaaqo, hadaad idinka garan weydaan hadaad iska mootisaan, aniga qof ayaa ka ahay, xasaanadii Baarlamaanka waxaa la geliyay calaamad su’aal.

Waxaa uu sheegay in meelaha Baarlamaanka ka dhaqaaqayo la bartilmaameedsanayo sida qodobka 68aad ee Mooshinka ah, isla markaana la doonayo in awooddii Baarlamaanka hoos loo dhigo.

Xildhibaan Zakariye ayaa ugu baaqay Guddiga Xeer Hoosaadka inay dib u celiyaan dhammaan documentiga xeer hoosaadka, isla markaana loogu tala galay in laga bedelo meelo gaar ah oo aan loogu tala gelin in nuxurka wax laga bedelo.

Qodobada Xeer Hoosaadka ayaa ah awoodaha Xildhibaanada, marka laga soo tago Dastuurka, waxaa ku jira qodobo faraya waajibaadka Xildhibaanka ee la xisaabtanka Xukuumadda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip