Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku baaqay in laga qaado cunaqabateynta Hubka

0
Sunday September 30, 2018 - 10:07:34 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku baaqay in laga qaado cunaqabateynta Hubka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka hadlayay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka in cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka hadlayay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka in cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado.

Khudbadda uu ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayuu diirada ku saaray dhinacyada amniga, siyaasada, Dhaqaalaha iyo horumarada dowladda gaartay

Wasiir Cawad oo shirka ku matalaya Madaxweyne Farmaajo, isla markaana khudbadiisa ka jeediyay ayaa sheegay in muhiim ahay in dowladda Soomaaliya lagu taageero dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in si Al-Shabaab looga adkaado loo baahan yahay in laga qaado cunaqabateynta hubka.

Sidoo kale Wasiir Cawad ayaa sheegay in dhalinyarada aanay xilligan ugu biirin Al-Shabaab sidii hore, sidoo kale waxaa uu xusay in dhalinyaro badan ka faa’ideysteen cafiskii dowladda oo ay isa soo dhiibeen sida uu yiri.

Khudbadiisa ayaa waxaa uu sidoo kale ku soo hadal qaaday horumarada ay gaartay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ka baaqday shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo sababo kala duwan oo ay ka mid tahay baasaboorka uu heysto ee Mareykanka uga baaqday shirka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip