HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 30-KA SEPTEMBAR 2018-KA

0
Sunday September 30, 2018 - 09:32:52 in Wararka by
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 30-KA SEPTEMBAR 2018-KA

    ERDOGAN OO XARIGGA KA JARAY MASAAJID WEYN OO LAGA DHISAY JARMALKA Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo booqashada rasmiga uu ku marayey dalka Jarmalka ku soo afmeeray xarig ka jaridda mid ka mid ah masaajidda ugu weyn qaaradda Yurub oo lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ERDOGAN OO XARIGGA KA JARAY MASAAJID WEYN OO LAGA DHISAY JARMALKA Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo booqashada rasmiga uu ku marayey dalka Jarmalka ku soo afmeeray xarig ka jaridda mid ka mid ah masaajidda ugu weyn qaaradda Yurub oo laga dhisay dalka Jarmalka Wuxuu Madaweyne Erdogan sheegay masaajidkan laga dhisay magaalada Cologne inuu astaan u yahay nabadda, isaga oo uga mahadceliyey dowladda Jarmalka sida ay u oggolaatay inuu dhismaha msaajidka istaagin iyada oo ay socdeen mudaharaadyo looga soo horjeeday dhismaha masaajidka.

 

Ciidamada boolis oo tira badan ayaa laga howl geliyey xilli uu booqanayey magaalada Cologne oo ah magaala ay ku nool yihiin dad tira badan oo Turkiga u dhashay.

Booqashada seddexda maalmood ee uu ku joogay Jarmalka oo ahayd mid uu muran badan ka dhashay, wuxuu Erdogan khudbadihiisa si kulul ugu cambaareynayey waddanka Jarmalka uu martida u ahaa.

Dalka Jarmalka waxaa ku nool qurbajoog aad u xooggan oo ka badan 3 milyan oo qof oo u dhalatay dalka Turkiga.

Waxayna maamulka magaalada ay ka noqdeen qorshihi la filayey ee ahaa iney dad gaaray 25,000 oo qof iney isugu yimaaddaan xafladda masaajidka lagu furayey iyaga oo ka cabsaday iney halkaasi amni darro ka dhacdo.

GURIGA MADAXWEYNE BIIXI UU KU JIRO OO LAGU DARAY GURYAHA DAWLADDA EE LA DIWAANGALINAYO

Wasiirka Hawlaha guud iyo Dhullka Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka hadlayey guryaha iyo dhulka danta guud ee la diiwangalinayo ayaa sheegay in guriga madaxweynaha Somaliland Muuse BIixi Cabdi lagu daray guryaha loo diiwaangalinayo hantidda qaranka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in aan dib dambe dhul iyo guri dawladu leedahay cid gaar ah la siin doonin, isagoo xusay in dad badan ku doodayaan guryaha dawladda ee ay ku jiraan inay ka dhaxleen dawladdii Siyaad Bare ama ingiriiska, waxaanu tilmaamay in aan cidna laga yeeleen in hanti dawladeed qof iska qaato.

" Guri aanu siidaynayno walaahi bayna jirin, guriga madaxweynaha Somaliland ku jiro waanu diwaangalinay (guryaha dawladda lagu daray), sidaas baana cidna u dhaafeen, waxaanu dhaafayna qofkii la soo baxa waraaq degreeto ah oo madaxweyne ku siiyey.”ayuu yidhi wasiir Qambi oo shalay hor tagay guddida joogtadda ee golaha guurtida oo uu uga xog waramayey shaqadda wasaaradda.

Inta badan guryaha dawlada waxa ku jira siyaasiyiin badan oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladda, waxaana jira guryo la kala iibsaday oo dawladu lahayd, waxaana arrintaasi diiwaangalinta guryaha dawladda ka soo horjeestay siyaasiyiin badan oo iyagu isku qoray guryo dawladeed oo ay ku jiraan.

Sidoo kale, waxa dood badan dhalisay guryaha la diiwaangainayo ma lagu dari doonaa guriga madaxweyne Muuse BIixi uu ku jiro oo ah guri dawladeed, haseyeeshee shalay ayuu cadeeyey wasiirka hawlaha guud in guriga madaxweynaha lagu daray guryaha la diwaangalinayo ee dawladda.

SHIR LOOGAGA HADLAYO XOOJINTA WADA SHAQEYNTA HAY’ADAHA NABADA IYO KUWA AMNIGA OO BAYDHABO KA FURMAY

Waxaa magaalada Baydhabo ka furmey shir socon doono labo maalmood kaas oo looga hadlaayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeyn dhex marta guddiyada nabada, taliyaasha booliska iyo maamulada degmooinka Baydhabo, Ceel Barde , Berdaale, Waajid iyo Xudur.

Shirkaas oo ay fududeenayaan hay’adaha Somali Youth Development Network (SOYDEN) iyo Conflict Dynamics International (CDI) waxa ay tahay ujeedadiisa sidii wax looga qaban lahaa xasilinta degmooyinkaas Koonfur Galbeed taas oo loo marayo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha nabada iyo kuwa amniga.

"Amniga lagama shaqeyn karo haddii aan laga shaqeyn nabada waana labo howlood oo isku xiran maxaa yeeley nabada ay dadku ku heshiiyaan ayuu amniga ilaaliyaa ee amniga ma keeno is ogolaansho iyo nabad dhex marta bulshada meel kuwada nool.” ayuu yiri gudoomiyaha hay’ada SOYDEN Mudane Cismaan Muxyadiin Macallim. wuxuu intaas ku darey "Degaanka Koonfur Galbeed waa degaan ay saameyn balaaran ku yeesheen dagaaladii sokeeye dhib badana ka dhaxleyn siaas darted waa muhiim in dadaal badan la geliyo xoojinta nabadeynta.”

Iyadoo taas laga duulayo ayey ha’yada SOYDEN waxa ay ka caawisey degmooyinka Baydhabo, Xudur, Ceel berde, Berdaale iyo Waajid dhismaha gudiga nabada ee heer degmo (District Peace Committee) kuwaas oo shaqadooda tahay ka degista iyo ka jawaabista khilaafyada bulshada ka dhex dhasho sidoo kale waxa y fududeeyaan howlaha dib u heshisiinta iyagoo diwaan gelin ku sameeya waxyaabaha ay ku hishiiyeen dhinacyada khilaafka dhex mareen.

Guddiyada nabada ee heer degmo wa xa ay ka kooban yihiin wakiilo ka socda odoyaasha, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo culumo udiinka waana xubno la soo doortey kuna shaqeeyaan si iska wax u qabso ah. Shirka waxaa si rasmi ah u furey wasiirka arimaha gudaha ee Koonfur Galbeed iyadoo ay ka soo qayb galeen gudoomiyaha Gobalka Bay, Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dib U heshisiinta Koonfur Galbeed, la tiliyaha arimaha xasilinta wasaarada, gudoomiyaasha degmooyinka Bay, Berdaale, taliyaasha booliska degmooyinka Xudur, Berdale, Ceel Berde, Waajid iyo Baydhabo.

Wasiirka wuxuu si aad ah uga hadley muhiimada ay gudiyada nabada u leeyihiin degaanada taas oo uu yiri waxey gacan weyn siiyaan hay’adaha amniga iyagoo inta badan qilaafadka ka hortagaan isla markaasna xaliyaan inta uusan qilaafka gaarin meel fog.

Wasiirka wuxuu ballanqaadey in ay sii xoojin doonaan gacan siinta gudiyada nabada isagoo isla markaas codsadey in hay’adaha SOYDEN iyo CDI ay kor u qaadan Howlaha Bulshada u hayaan.

WASIIRKA AWQAAFTA IYO ARRIMAHA DIINTA SOOMAALIYA OO KULAN LA QAATAY MADAXA ARRIMAHA DIINTA DALKA TURKIGA

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa arrimaha diinta ee dalka Turkiga Dr.Cali Irbaash.

Dr. Cali Irbaash ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay booqashada Wasiirka uu ku joogo dalka Turkiga isagoo sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado dhanka horumarinta barashada Diinta Islaamka.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya,Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay iskaashi ku dhisan danaha labada dal oo dhaxmara Soomaaliya iyo Turkiga.

"Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa isbarbar taagga iyo hiilka uu markasta noo hayo Turkiga, anaga oo ka faa’idaysan doono fursadaha iskaashi dhanka horumarinta Barashada Diinta & Horumarinta Xarumaha Barashada Diinta, waxaana mustaqbalka ballaarin doonaa xiriirka iskaashi." ayuu yiri Sh. Nuur Maxamed .

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in Soomaaliya laga caawiyo horumarinta xarumaha barashada Diinta iyo Tababaridda Imaamyada, Khadiibyada, macalimiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

TALIYAHA CUSUB EE CIIDAMADA ILAALADA MADAXTOOYADA OO XILKA LA WAREEGAY

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa shalay ka qeybgalay Munaasabad uu xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee loo magacabay Ururka 60aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya taas oo lagu qabtay xarunta taliska Ururka 60aaad ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa la hadlay saraakiisha, saraakiil,xigeenada, allifleyda iyo dableyda Ururka 60aad ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, isagoona ku ammaanay shaqada ay u hayaan Bulshada iyo madaxda Dalka.

"Ururkaan waxaa uu kamid yahay ururada ugu fiican Ciidanka Xoogga Dalka, waxaan rabaa in miisaanka aad leedihiin aad sii muujisaan, waana idinku amaanayaa howshiina”ayuu yiri taliyaha.

WASAARADDA MAALIYADDA OO QORSHEYNEY SA INAY LA WAREEGTO QAADISTA LACAGAHA KA SOO XAROODO MAAMULKA HAWADA

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in dhawaan si toos ah ay ula wareegeyso qaadista lacagaha ka soo xarooda Maamulka hawada oo ay horey gacanta ugu haysay Qaramada Midoobay.

wasirka Maaliyada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo marti ku ahaa Barnaamijka kulanka todobaadka ee Warbaahint Qaranka ayaa ka hadlay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada hadalada deymaha looga cafinayo ee kala dhaxeeya Hey’adda lacagta Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (IMF) , kordhinta dakhliga iyo isla xisaabtanka.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ay iska kaashanayaan sidii lacaga canshuurta ah ee laga qaado diyaaradaha mara hawada dalka oo in mudda ah ay soo maamulaysay Qaramada Midoobay loogu wareejin lahaa Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka ayaa la waydiiyay sida xal loogu heli karo caqabadaha Soomaalida dibada ku nool ku qabaan xiriirka bankiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

"haatan sida uu adduunku inoogu soo jeedo ayaa baanankanu u soo jeedaan, dhawaan waxaan heli doonaa Baanan yimaada halkan oo baanankeena wax la qabsada, oo Branches halkan ka furta oo lagu nasto oo lacagta xawila” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya.

Mudane Cabdiraxmaan Beyle Wasiirka Maaliyada ayaa tilmamay inay muhiim tahay xisaab celinta hey’adaha Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

MAAYARKII DEGMADA BOORAMA OO IS CASILAY IYO MAAYAR CUSUB OO LA DOORTAY

Maayarkii degmadda Boorama Maxamed Xusseen Maydhanne ayaa shalay is casilay, isla markaana waxaa la doortay maayar cusub.

Maalmihii u dambeeyey waxa khilaaf ka jiray xildhibaanada golaha deegaanka Boorama oo qaar doonayeen inay maayarka ridaan, halka qaar kalena maayarka difaacayeen, haseyeeshee waxa ugu dambeyn lagu qanciyey in maayarku is casilo, waxaanu sheegay maayarkii hore in danta qaranka uu isku casilayo.

Kalfadhigii shalay waxa ka soo qaybgallay Badhasaabka gobolka Awdal, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland iyo xildhibaanadda golaha deegaanka Boorama, waxaana cod gacan taag ah lagu doortay mayarka cusub ee degmaddu yeelatay.

Maayarkii hore ee degmada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo fadhigii shalay ka hadlay ayaa sheegay inuu xilkii maayarnimo iska casilay, isla markaana uu u tanaasulay danta guud ee degmadda.

"Anigoo ilaalinaya in aanay nabadgalyo daro ku iman degmada oo aan ku qancay go’aanka madaxweynaha waxaan gartay inaan u tanaasulo danta qaranka oo ay ugu horeyso danta degmada Borama”ayuu yidhi mayarkii is casilay Maydhanne.

Intaas ka dib waxa la guddo galay in loo codeeyo maayarka cusub ee degmaddu yeelan doonto, waxaana loo doortay Saleebaan Xasan Xaddi oo hore usoo maray maayarka Boorama.

"xildhibaanadii ii codeeyey iyo kuwii iga codeeyey way mahadsan yihiin, maalintii hore way iga codeeyeen shalay way ii codeeyeen waana isla golihii uun, masuuliyadii hawsha hogaaminayey iyo weftigii la soo diray, sida ay u hogaamiyeen waan u mahad celinayaa”ayuu yidhi maayarka cusub Xaddi.

Maayarkan cusub ee Xaddi ayaa waxa xilkan sidan oo kale kala wareegay maayarkan hadda la bedelayo, muxuuna noqonayaa markii labaad ee loo doorto maayarka Boorame.

AKHRISO: SHAXDA TIRADA XILDHIBAANADII KA MAQNAA KULAMADA BAARLAMAANKA

Labadii kalfadhi ee u dambeeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay habacsanaan dhanka howlaha baarlamaanka oo ay ugu wacneyd maqnaanshaha aan xisaabka laheyn ee Xildhibaanada.

Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka oo la furay 10kii bishan ayaa todobadii fadhi uu yeeshay waxaa qabsoomi waayay hal fadhi, kaddib markii uu kooram la’aan ku furmi waayay.

Kulankii Arbacadii la soo dhaafay ee taariikhda aheyd 26kii bishan September ayaa kooram la’aan ku baaqday, kaddib markii tiradii loogu tala galay ee inuu ku furmo aheyd 139 Xildhibaan ay ka soo xaadirtay kaliya 120 Xildhibaan.

Kalfadhigii 3aad ee Golaha Shacabka ayaa 120 maalmood gudahood ku yeeshay 11 kulan, waana kalfadhigii ugu kulamada yaraa, marka loo eego qalalaasihii hareeyay kalfadhigaas ee ka dhashay Mooshinkii laga keenay Guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)

KA AKHRISO SHAXDA TIRADA XILDHIBAANADA KA MAQNAA KALFADHIGII 3AAD IYO KALFADHIGA 4AAD EE HADA SOCDA:

waa shaxda kalfa baarlamaanka inta ka maqnaatay oo xildhibaano ah



50 QOF OO KU DHINTAY DUUFAAN KU DHUFATAY DALKA INDONESIA

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay duufaan ka dhalatay dhulgariir cabbirkiisu gaarayay 7.5 oo ku dhuftay magaala xeebeedka Pelu ee dalka Indonesia.

Duufaanta Tsunami ee Pelu ku dhufatay oo horay digniin looga sii bixiyey, waxay ku dhacday saacada kaddib marki digniinta la shaaciyey.

Hirka badda oo ka dhashay dhulgariirka iyo duufaanta culus wada socday ayaa wuxuu ku socday joog dhan 2 miitir wuxuu ku dhuftay magaalada Palu oo ku taallo Jasiiradda Sulawesi.

"Duufaanta iyo Dhulgariirka mar ku wada dhuftay Pelu waxay shacabka magaaladu ku abuurtay degganaasho la'aan iyada oo dad tira badan oo waddooyinka yaacaya la arkayo".ayuu yiri madaxa saadaasha hawada ee Indonesia,Dwikorita Karnawati.

Muuqaal lugu baahiyay baraha bulshada oo laga soo duubay masiibadaasi ayaa waxaa ka muuqata dadka goobta duufaanta ku dhufatay ku noolaa oo kala cararaya iyo biya xoog badan oo guriyaha soo galaya.

Dalka Indonesia ee koonfurbari Aasiya ayaa wuxuu yahay dal u nugul duufaanta iyo dhulgariirka dhaca maaddaamaa dalka oo dhan uu jasiiraddo tira badan oo bad ku hareereysan uu ka kooban yahay.

TIRO KU DHAW 50 MILYAN OO RUUX OO ADEEGSATA FACEBOOK OO XOGTOODA LA XADAY

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in "ku dhawaad 50 milyan" oo qof oo adeegsada shabakadeeda xogtooda u dayacantay cillado farsamo oo xageedka ka timid awgood.

Shirkaddu waxay sheegtay in dadka xogtaa jabsaday ay ka faa'iidaysteen nugaylka qodobka ilaalada ee la yidhaa "View As" taas oo u sahashay in ay fakaag u helaan xogta dadka.

Dhacdadan waxa la ogaaday Salaasadii, booliskana waa lagu wargeliyey ayey tidhi Facebook.

Dadka adeegsada shabakaddan ee ay suurto galka tahay in ay arintani saamaysay ayaa isla markiiba Jimcihii lagu wargeliyey in ay xidhaan bogagooga oo hadana dib u furaan.

Cilladii farsamo ee nugaylkaa keentay haatan waa la furdaamiyey, ayuu ku yidhi qoraal madaxa waaxda ilaalada xogta ee shirkaddu, waxaanu intaa ku daray in bogagga dadka arintaasi saamaysay dhamaantood la adkeeyey ilaalintooda iyo sida oo kale in la qaaday "talaabooyin ka hor tag ah" oo lagu daryeelay 40 milyan oo bog oo kale.

Facebook, oo sicirka saamiyadeedu hoos u dhaceen in ka badan 3% maalintii Jimcihii, ayaa waxa si joogto ah u adeegsada shabakadeeda laba bilyan oo qof bishii ba.

Hase yeeshee shirkaddu may sheegin dalalka ay ku kala suganyihiin 50 milyan ee qof ee bogagooda la jabsaday, laakiin waxay wakaaladda ilaalad xogta internetka ee dalka Ireland, oo xarun u ah qabteeda Yurub, ku wargelisay dhacdadan.

Dadka bogagga ay ku leeyihiin Facebook laga yaabo in arintani saamaysay ayaa marka ay damcaan in ay furtaan waxa u soo baxaysay fariin u sheegaysa in ay xidhaan boggooda oo dib u furtaan, hase yeeshee shirkaddu waxay sheegtay in dadkaa midkoodna aanay qasab ku noqon in ay bedelaan erayada sirta ah ee ay ku galaan bogaggooda. Xigashada/BBC

DUQA MUQDISHO IYO GUDDIGA XUDUUDAHA OO KA WADA HADLAY BALLAARINTA SOHDIMAHA CAASIMADDA

Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu inay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

Maadaama uu dalku yahay Federaalka, Caasimadduna ay ka ballaaratay intii hore waxaa muhiim ah in laga wadaxaajoodo mustaqbalka sidii loo gaarsiin lahaa sohdinta hadda jira labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka doorka ay ka qaadanayaan federaaleynta dalka, gaar ahaan sidii bulshadu u noqon lahayd kuwa faham u leh hannaanka federaalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay ahmiyadda ay arrimahan u leeyihiin wadatashiga dadweynaha, si go’aanada la qaadanayo u noqdaan kuwa ku saleysan rabitaanka bulshada.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa warbixin ka siiyey Duqa Muqdisho howllaha uu guddigu qabto, isagoo faah faahin dheerna ka bixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan sameynta sohdimaha maamullada dalka.

WASIIRKA WAXBARASHADA SOOMAALIYA OO SAGOOTIYAY DANJIRIHII HORE EE SUDAN U FADHIYAY SOOMAALIYA

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre ayaa kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

Kulanka ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyo iskaashiga dhanka waxbarashada, waxaana kulanka goob joog ka ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada. Axmed Yuusuf Xassan iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Wasiirka waxbarashada ,Cabdullahi Goodax Barre ayaa dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida markasta ay u garab tagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka waxbarashada,wuxuu guul u rajeyay danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim, isagoo boggaadiyay hawshii uu dalka ka qabtay muddadii uu joogay.

Amb. Maxamed Yuusuf Ibraahim ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay isagoo ballan qaaday in dowladda Suudaan ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso Soomaaliya.

Gabagabadii, Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay danjirihii hore ee dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

FAAHFAAHIN ISKA HORIMAAD KA DHACAY GAROWE

Hal qof ayaa ku dhintay labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib Iska horimaadka Magaalada Garowe ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kooxo burcad ah.

Taliyaha xasilinta gobolka Nugaal, Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa sheegay ciidamada amniga iyo dabley hubaysan oo ka ganacsada maandooriyaha uu dagaal dhexmaray kadib markii Ciidamada Ammaanka ay weerareen.

Taliyaha ayaa sheegay iska hor imaadkaan inuu ka dambeeyay kadib markii ciidamadu ammaanku ay qaadeen howgal ka dhan ah Maandooriyaha.

Waxaa uu xusay inay iska caabin kala kulmeen koox maandooriyaha ka ganacsada oo ay ciidamadu doonayeen inay gacanta kusoo dhigaan.

Gen. Muxyadiin Axmed Muuse ayaa tilmaamay iska hor imaadkaan inay ku dhimatay qof dumar ah oo ay haleeshay rasaasta la isweydaarsanayay, sidoo kale ay ku dhaawacmeen labo kamid ah ciidamada amniga ee howgalka qaaday.

XALIIMO YAREY OO KA HADASHAY SUURTA GALNIMADA DOORASHO DALKA KA DHACDAY 2020

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa sheegtay in uusan guddiga doorashada laheyn qorshe Labaad oo ka bedalan midka lagu ballamay ee ahaan in dalka laga sameeyo doorasho qof iyo cod ah

Iyadoo ka qeybgalaysayBarnaamijka Hiigsi ee ka baxa Idaacadda iyo Tvga Goobjoog ayey hoos u dhigtay shakiga dadku ka qabaan in ay dhici karto doorasho iyo inkale sanadda 2020ka

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxa ay sheegtay in diyaar u yihiin waxyaabaha loo baahan yahay badankood si ay doorashooyin u dhacaan.

Jiritaanka heshiis siyaasadeed, diyaarsanaanta guddiga doorashada, diiwaangelinta xisbiyada iyo diiwaangelinta codbixiyaha oo ay billaabayaan ayey sheegtay in ay tahay calaamadaha muujinaya in doorashadu dhaceyso.

Waxey tilshalayy in ay jiraan degaanno badan oo soomaaliya ka mid ah oo ay doorashooyinka si nabadgalyo ah uga dhici karaan.

"Mar hore ayaan kasoo gudubnay su’aasha la xiriirta doorasho qof iyo cod ah madhici kartaa mise madhici karto, dadka Soomaaliyeed oo aan degaannadooda ugu tagnay waxey rabaan in ay doorasho dhacdo”

"Waxaan darasnay oo aan soo aragnay wadamo badan oo muddo aad u kooban markii ay colaado kasoo baxeen qabsaday doorasho, ma aha in aan sii taagnaano 18 sano kadib doorasho maqabsan karno ee aan odayaal ku noqonno”.Xaliimo Ismaaciil yarey ayaa sidaasi tiri.

Waxaay sheegtay in ay jiraan siyaasiyiin la qabsaday in kuraastooda ay odayaal u sahlaan kuwaas oo aan jecleysaneyn in ay doorasho qof iyo cod ah dhacdo.

"Soomaaliya waxaan qiyaaseynaa in aan ugu yaraan diiwaangalin karno 3 Milyan oo cod bixiya, marka iyadoo tii hore ay codeeyeen 14 kun hadaan hiigsigaas gaarno waxaan u aragnaa in ay tahay isbadal weyn marka hore waxaan horta rabnaa in iska gooyno qufulka ah doorasho lama sameyn karo "

Guddoomiye Xaliimo waxaa kale oo ay ka hadashay doorka Guddiga Doorashada uu ku leeyahay doorashooyinka ka dhacaya dowlad Gobaleedyada.

Waxey sheegtay in ay jiraan cillado dastuuri ah oo ka dhexjira Labada heer dowladeed ee federalka iyo dowlad gobaleedyada iyadoo tusaale usoo qaadatay in dastuurrada dowlad gobaleedyada qaar ay mas’uuliyadda doorashooyinka saaraya cid aan aheyn guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran oo sharci ahaan ka masuul ah dhammaan doorashooyinka qaran.

"Hadda waxaan xoogga isugu geynay doorashada 2020ka, marka awooddeenna shaqo ayaan hadda noo saamaxeyn in aan kahadalno doorashada gobalada ayey”

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeysay in guddiga doorashada uu kamadax bannaanyahay siyaasiyiinta.

"Dhamaan siyaasiyiinta kuwa jooga iyo kuwa kale waa noo simanyihiin, dhammaantood ayaan dooneynaa in aan noqonno kuwa firimbiga u haya ee tartansiinaya”.

CIIDAMO KA TIRSAN KUWA AMISOM OO LA ABAAL MARIYAY

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa abaal marino siiyey 30 Askari oo ka tirsan Booliiska howl alka AMISOM ee Soomaaliya.

Askartaasi oo sanadkii la soo dhaafay ka howlgalayay Somaliya ayaa lagu bogaadiyey doorkii ay ka qaateen dhinaca sugida amniga ee magaalada Muqdisho

Ciidamada la abaar mariyay oo la siiyay bilado ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaa dalalka Kenya, Zambia, Uganda iyo Sierra Leone, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay dib ugu laabtaan dalalkooda.

Madax Booliiska howlgalka AMISOM Christine Alalo ayaa Askartaasi ku amshalayy howlihii ay ka qabteen Soomaaliya muddadi ay ku sugnaayeen iyo howlgalladi ay la sameeyeen Ciidamo Booliiska Soomaaliya.

Christine Alalo ayaa xustay in Ciidamada Booliiska AMISOM ay u yimaadeen Soomaaliya sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen xoojinta ammaanka dalka iyo waliba taageerada Ciidank Booliiska Soomaaliyeed.

Howlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan tababarada iyo taageerada ay siiyaan booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowladda goboleedyada dalka, si sare loogu qaado ammaanka dalka.

SHEEKH CALI WAJIIS OO SHEEGAY IN SOMALIA AY DHOOFISO DAROOGADA,DALKANA LAGU BEERO

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay waxyaabaha maanka dooriya oo uu sheegay in lagu beero qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

waxa uu sheegay Cali Wajiis in daroogo lagu beero Webiga jiinkiisa,isla markaana ay ka baxeyso darooga noocyadiida kala duwan,kuwaasi inta la qalajiyo dalka laga dhoofiyo.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in dekadaha dalka mar walba la isku dayo in laga soo dajiyo daroogada oo markii la qabto la gubo,isagoona tilmaamay in Goobo Ganacsi oo lagu iibiyo inay ka jiraan Magalada Muqdisho.

"Maamulka gobolka Banaadir waxaa laga rabaa in si gaar ah uu baarto in si caadi ah goobaha dhamaan loogu gado shalay waxyaabaha daraagiska,ma ahan kaliya taabuuga ee dhamaan waxkasto oo daraagiska ah ayey si caadi ah islaamanka iyo wiilasha u gadanayaan”ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed .

Hadalkaan ayaa Sheekh Cali Wajiis waxa uu Shalay ka sheegay kulan dadka looga wacyigelinayey Taabuuga kaas oo lagu qabtay Magalada Muqdisho.

MAREYKANKA OO ASKARI LOOGA DILAY GUDAHA SOOMALIYA AFAR KALANA LOOGA DHAAWACAY

Wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka mareykanka ayaa sheegay in askari mareykan ahaa lagu dilay weerarkii jimcihii ka dhacay koonfurta soomaaliya kaa oo ay siwadajir ah u fuliyeen mareykanka iyo ciidamada dowlada iyadoona la sheegay in afar kale uu dhaawac kasoo gaaray weerarkaasi ay lagaleen Alshabaab.

Weerarkan oo ay fuliyeen diyaarado laga leeyahay dalka mareykanka iyo dagaal toos ah uu dhaxmaray ciidamada dowlada iyo kuwa marekanka oo is garab sanaya iyo Alshabab oo dhinac ah halka marekanka uu sheegay in weerarkaasi ay ku qaari jiyeen 18 xubnood oo katirsanaa Alshabaab.

Afahayeen u hadlay taliska marekanka uqaabilsan geeska Africa ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaan AFRICOM ayaa sheegay in aanu jirin waxyeelo kasoo gaartay weerarkaasi ciidamadooda iyo kuwa dowladda ee weerarkaasi fuliyay

Duqeyntan ayaa la sheegay in ay ka dhacay meel 50 Kilometers ujirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada dhexe.

Marka laga yimaado weerarkaan oo uu daabacay wargeyska majirto war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska mareykanka ee ku aadan tiro askartii loogu dilay weerarkii jimcihii ay fuliyeen.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Donald Trump ayaa sare uqaaday duqeymaha ay ka fulinayaan guud ahaan soomaaliya iyadoona mararka qaar ay waxyeelo kala duwan kasoo gaarto dad rayid ah aanu hubeyneen ee ka agdhow goobaha ay bartil maameed sanayaan.

MAXKAMADDA GOBOLKA BANAADIR OO DHAGAYSATAY DACWAD LA XIRIIRTA MUSUQMAASUQ

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay gudagashay dhagaysiga dacwad la xiriirta musuqmaasuq oo ay ku eedeysanyihiin , Daahir Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha waaxda dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya iyo Maxamed Cumar Macallim oo ahaa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gargaarka oo maqane ahaa.

Dhagaysiga dawacdaan waxaa goobjoog u ahaa xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmad Cali Daahir , ku xigeenadiisa iyo Qareenada difaacayay eedaysane Daahir Maxamed Nuur.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo maxkamadda furay ayaa akhriyay eedda loo haysto eedaysanayaasha oo uu goob joog ahaa Daahir Maxamed Nuur, waxaana doodda qaatay Xeer ilaalinta oo ku oogeysay dacawadda loo haysto eedeysanayaasha, iyadoo Qareennada difaacayay eedeysane Daahir Maxamed Nuur ay ka difaaceen eedda lagu soo oogay, kuwaas oo soo bandhigay difaacooda sharci.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa mar kale ballamiyay dhagaysiga dacwada maalinta Khamiista ee toddobadkan.

DAGAALAMAYAAL KA TIRSAN ALSHABAAB OO DIB UGA BAXAY DEEGAANO KA MID AH DEGMADA BALCAD

Wararka ka imanaya deegaano ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsanAlshabaab oo shalay gaaray deegaano kamid ah degmada Balcad ay dib ugagalaabteen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan indagaalamayaashii tegey deegaano ku teedsan wabiga Shabelle ay dib ugaga baxeen iyagoo kulamo la yeeshay waxgaradka deegaanada ay gaareen.

"Waxa ay nagu amreen inaanan la shaqeyn dowlada isla markaana aan siino zakada,sidoo kale waxa ay nagu amreen inaan jari karin geedaha.”ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka deegaanka Shanlow oo la hadlay warbaahinta.

Xaalada deegaanada ay shalay gaareen dagaalamayaasha AlShabaab sida Shanlow, Dhagaxow,Mukadheere iyo qaar kale ayaa degen iyadoo xaaladu ay caadi ku soo laabatay.

Ciidamada dowlada Federalka oo ku sugan degmada Balcad ayaa laga dareemayay shalay dhaqdhaqaaqyo milatari.

Dagaalamayaasha AlShabaab ayaa mararka qaarkood waxa ay si kedis ah ku tagaan tuulooyinka aysan joogin ciidamada dowlada federalka halkaa oo ay dadka ku amraan in ay amaradooda raacaan.

TRUMP OO AMAR KU BIXIYAY IN LA BAARO GARSOORE FARAXUMAYN LAGU EEDEEYAY

TrumpMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI inay baaraan eedeymaha faraxumaynta ah ee loo haysto ninka loo soo magacaabay inuu kamid noqdo garsooyaasha maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka, Brett Kavanaugh.

Xildhibaanada golaha aqalka sare ayaa mar sii horreysay Brett Kavanaugh uu soo magacaabay jagadan.

Muddo toddobaad ah ayaa lagu dhagannaa ninkan, xildhibaanada golaha aqalka sare ayuu hortaggay si wax looga weydiyo eedeymaha loo jeediyay.

Garsoore Kavanaugh wuxuu hortaggay maxkamadda racfaanka, waa uu beeniyay eedeymaha ay u jeediyeen ugu yaraan saddex haween ah.

Khamistii, guddiga aqalka sare ayaa caddeymo ka dhagaystay Christine Blasey oo ah profesoorad ku takhasustay cilmu nafsiga oo sheegtay in garsoorahan uu faraxuumeeyay sanadihii siddeetamaadkii xilliggaasi ay labaduba da’ yaraayeen.

Garsoore Kavanaugh ayaa si carol leh u beeniyay eedeymaha,wuxuuna ka dhawaajiyay in uusan faraxumaynin Christine Blasey iyo qof kaleba.Wuxuuna ku eedeeyay xildhibaanada ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga inay siyaasadeynayaan arrintaasi ayna doonayaan inay sumcadda ay ka haleeyaan.

Inkastoo Madaxweyne Trump uu amar ku siiyay FBIda inay baaraan garsooraha, weli wuxuu sii wadaa inuu sii difaaco.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip