Haddii Xildhibaanka iyo Nabadoonka Beeshu isku kaa dhii dhiibaan macnuhu ma ahan… (Nasashada Jimcaha.Q-115aad).

0
Friday September 28, 2018 - 21:11:18 in Wararka by
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Xildhibaanka iyo Nabadoonka Beeshu isku kaa dhii dhiibaan macnuhu ma ahan… (Nasashada Jimcaha.Q-115aad).

    1-wiil ayaa yiri: Aabe xaflada saaxiibkey ma aadaa?. Aabihii ayaa ku yiri: Hooyo Fasax weydiiso.wiilkii ayaa ku yiri: Hooyo xaflada saaxiibkeey ma aadaa?. Waxa ey ku tiri: Aabe weydiiso. Wiilkii ayaa ku yiri: Hooyo waan ku jecelahay. Waxa ay ku tiri:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-wiil ayaa yiri: Aabe xaflada saaxiibkey ma aadaa?. Aabihii ayaa ku yiri: Hooyo Fasax weydiiso.wiilkii ayaa ku yiri: Hooyo xaflada saaxiibkeey ma aadaa?. Waxa ey ku tiri: Aabe weydiiso. Wiilkii ayaa ku yiri: Hooyo waan ku jecelahay. Waxa ay ku tiri: waan ogahay, waxa la isagu kaa dhiidhiibayo Fasaxa ma ahan, ee Aabahaa Lacag Transport ah weydiiso.

 

(Haddii Xildhibaanka iyo Nabadoonka Beeshu isku kaa dhii dhiibaan macnuhu ma ahan inay ku Neceb yihiin, ee Doorkaa kalkaaga kugu yimid, si wax laguu weydiiyana …….)

 

2-Wiil 7 jir ah ayaa Hooyadii weeydiiyay: Hooyo waa maxaay Girl friend?. waxa ey ku tiri: Haddii aad weynaato oo aad wiil FIICAN noqoto ayaad hal Gabar kaliya oo Girlfriend ah aad heli doontaa, Wiilkii ayaa ku yiri: Hooyo, hadaan wiil XUN noqdana?. Hooyadii ayaa ku tiri: kuwa badan ayaad heli doontaa. (F.S:1 & 2aad)

 

( Gabdhoow wiilka Fiican, hal gabar oo saaxiibadiis ah oo kaliya ayuu helaa. Kan Xunna waa girl Friends Badan yahay. Mobile-kiisaa ii markhati ah. Wax hubsada gabdhoow, Faham hadalka hooyadu ku tiri wiilkeeda. waa iga talo)

 

3-Hooyo ayaa wiilkeeda ku qeeylisay kuna tiri: Haddii aad geed fuusho oo aad ka soo dhacdo oo aad Labada lugood ka jabo adigoo ordayo oo ku qaylinayo lugahaan ka jabanahay ha ii imaan. ( F.S: 3aad)

 

( Askari ayaa Xaaskiisii ku tiri: Haddii bishaan aan mushaar lagu siin, ha ii imaan adiga oo aanan Dollar wadan).

 

4-Ugaas Ciise ayaa yiri: Noloshu Waa Sida Face book oo Kale. Markii aad dhibaateysan tahay Dadku Waxa ey Siinayaan Like Iyo Comment, qofna kuuma xalinayo dhibaatadaada. Xumaan ha u qaadan , Sababtoo Ah Qof Kasta Wuxuu Ku Mashquulsan Yahay in uu tiisa Update-Greeyo. (F.S: 4aad)

 

5-Garoob Shan nin soo furtay ayaan nin guursaday, waxa ayna tiri: waxaan ahay bikro. Waxa uu yiri: Sabab? Waxa ey ku tiri: Ninkii 1aad waxa uu ahaa Ganacsade maalintii oo dhan waa mashquul iyo Safar, Habeenkii oo dhanna Xisaab ayuu ku jiraa. Kii 2aadna waxa uu ahaa Siyaasi maalintii oo dhan Mooshin ku maqan, habeenkii oo dhanna shirar ayuu ku maqan yahay, kan 3aad waxa uu ahaa waddaad aad u cibaada badan ,habeenkii oo dhanna wardi ayuu ku dhafraa. Kan 4aadna waxa uu ahaa Jini tacab habeenkii oo dhan jin weera ah ayuu iska ilaaliyaa. Kan 5aadna maalintii oo dhan isagaa isku mashquulsan, habeenkii oo dhanna waxa uu iiga sheekeeyaa Noloshiisii Qurbaha oo aad u wanaagsan, sida Sheekadii "Alfa Layla wa leyl”. Ninkaan is iraa Jidoow furay, hadda waa is xiraa, sidaa ayaan Bikro ku ahay.

 

(War haweenka xaqooda hala siiyo, shaqaduna waqti ayay leedahay).

 

6- Maantana Jidadku waa xirnaay, waan iska soo lugeeyay, dadbadan ayaan wada soconay, waan dareemayay kuleeyka iyo Xirrirka ka dhexeeyo Jidadka xiran iyo shiirka dadka aan ka mid ahay. Oday ayaan weydiiyay Maxaa maantana Jidka loo xiray, waxa uu igu yiri: Hore u soo soco intaan Lugtana la diidin, Jidku waxa uu u xiran yahay "Nin aan Biil laga rabin”.

 

( Madaxda ilmahoodu Biil ma weydiiyaan, kaas mar horaa la meeleeyay, waxa ey Ubaahan yihiin "play Game” dadka maalin la noolka ah Caruurtooda hala tix galiyo). ( F.S: 5 & 6aad)

 

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip