Luis Enrique: Garsoorayaasha Waa Inay Joojiyaan Inay Kubada Cagta U Bedelaan Kubada Xooga Mareykanka.

0
Thursday January 07, 2016 - 10:52:07 in Sports News by
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luis Enrique: Garsoorayaasha Waa Inay Joojiyaan Inay Kubada Cagta U Bedelaan Kubada Xooga Mareykanka.

    Tababare Luis Enrique ayaa soo jeediyay in garsoorayaasha ay ku guuldareysteen inay hubiyaan inay ciyaartaan tahay kubada cagta oo aysan aheyn ciyaarta xooga ee Mareykanka intii ay socotay kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Espanyol lugta hore ee wareega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Luis Enrique ayaa soo jeediyay in garsoorayaasha ay ku guuldareysteen inay hubiyaan inay ciyaartaan tahay kubada cagta oo aysan aheyn ciyaarta xooga ee Mareykanka intii ay socotay kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Espanyol lugta hore ee wareega 16ka ee Copa del Rey.

Kooxda martida aheyd ee Espanyol ayaa labo casaan ah qaadatay qeybtii labaad ee ciyaarta, iyadoo sidoo kale la bixiyay sagaal calaamada digniinta ah oo afar ka mi ah ay qaateen Barcelona.

Tababaraha Barcelona ayaa diiday inuu si toos ah u dhaleeceeyo garsooraha iyo caawiyayaashiisa inay ku guuldareysteen inay koontaroolaan ciyaarta laakiin waxa uu xusuusiyay mas’uuliyadooda ah inay hubiyaan in xamaasada aysan ciyaartoyda la tagin.

"Waxaa wax xadida garsoorayaasha” ayuu Luis Enrique u sheegay suxufiyiinta. "Iyaga ayaa ah kuwa mas’uulka ka ah inay hubiyaan inay tan ciyaartaan kubada cagta oo aysan aheyd kubada Mareykanka ciyaaro.

"Caawa waxaa jiray xiisad iyo xamaasad laakiin waa garsoorayaasha kuwa xadidaada sameeya.”

Markii la weydiiyay haddii uu dareemay in Espanyol ay xuduuda soo dhaaftay, waxa uu ku jawaabay: "Ma rabo inaan arinkaas ka hadlo.

"Waxaan kaliya ka walaacsanahay waxyaabaha inaga fogeynaya kubada cagta. Waxaan raadineyno waa inaan ciyaarno. Marka qof uu xuduuda soo gudbo waxaa jooga garsoore.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip