Leo Messi Oo Barbareeyay Pedro Mar Kale: Wuxuu Shabaqa Soo Taabtay Dhamaan Lixda Tartan Ee Xilli Ciyaareedkan Ee Barcelona.

0
Thursday January 07, 2016 - 10:50:27 in Sports News by
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Leo Messi Oo Barbareeyay Pedro Mar Kale: Wuxuu Shabaqa Soo Taabtay Dhamaan Lixda Tartan Ee Xilli Ciyaareedkan Ee Barcelona.

    Haddii aad u maleysay inaysan harin rikoor uu jabiyo Leo Messi, waad qaldan tahay. Magaca xiddiga reer Argentina ayaa galay taariikhda mar kale xalayto, labadii gool ee uu ka dhaliyay Copa del Rey lugta hore ee wareega 16ka ee ay la ciyaareen Espanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aad u maleysay inaysan harin rikoor uu jabiyo Leo Messi, waad qaldan tahay. Magaca xiddiga reer Argentina ayaa galay taariikhda mar kale xalayto, labadii gool ee uu ka dhaliyay Copa del Rey lugta hore ee wareega 16ka ee ay la ciyaareen Espanyol ayaa la micno ah inuu shabaqa soo taabtay dhamaan lixdii tartan ee ay Barcelona ka qeyb qaadatay xilli ciyaareedkan.

Messi saaxiibkiisii hore ee Barcelona Pedro ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee sidaasi sameeyay markii Barcelona ay lix koob ku guuleysaneysay xilli ciyaareedkii 2009-2010. Goolkii soo daahay ee Pedro ee uu ka dhaliayy Atlante ee finalkii Club World Cup ayaa aheyd mid magaciisa gelisay buuga taariikhda.

Messi ayaana kula biiray xilli ciyaareedkii 2011-12 iyadoo xilli ciyaareedkaas uu dhaliayy 82 gool tartamada oo dhan, waxaana uu barbareeyay rikoorkii Pedro isagoo shabaqa soo taabtay lixdii koob ee ay Barca u tartameysay xilli ciyaareedkaas.

Xilli ciyaareedkan, xiddiga Barcelona u xirta maaliyada No.10 ayaa lix gool ka dhaliyay horyaalka, seddex Champions League, hal Club World Cup, labo Uefa Super Cup, hal Spanish Super Cup iyo labo Copa del Rey.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in laadkii xorta ahaa ee uu Messi ka dhaliyay xalayto kooxda Espanyol inuu ku barbareeyay halyeeygii Barcelona Ronaldinho iyagoo haatan 19 gool laad xor ah oo toos ah kawada dhaliyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip