SUUQA KALA IIBSIGA: Dalabkii Manchester United Ay Ka Gudbisay Sadio Mane Oo La Soo Diiday.

0
Thursday January 07, 2016 - 10:48:14 in Sports News by
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Dalabkii Manchester United Ay Ka Gudbisay Sadio Mane Oo La Soo Diiday.

    Manchester United ayaa ku guuldareysatay dalabkoodii ay ku doonayeen Sadio Mane bishaan Janaayo iyadoo Southampton aysan dooneynin inay fasaxaan xiddiga reer Senegal inta uu socdo xilli ciyaareedkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa ku guuldareysatay dalabkoodii ay ku doonayeen Sadio Mane bishaan Janaayo iyadoo Southampton aysan dooneynin inay fasaxaan xiddiga reer Senegal inta uu socdo xilli ciyaareedkan.

Sida ay sheegeyso jariirada Daily Mirror, United ayaa dalab gaaraya 30 milyan ginni ka gudbisay 23 sanno jirkaan laakiin kooxda Ronald Koeman ayaa cadeysay in ciyaaryahanka uusan iib aheyn xilli ciyaareedkan, waxaana ay u sheegeen Mane inaan loo ogalaan doonin inuu baxo ilaa iyo xagaaga.

Mane ayaa si joogta ah u diidayay qandaraasyo cusub oo ay u soo bandhigeysay kooxda Southampton si ay meesha uga saaraan xiisaha kooxaha kale, waxaana laga saaray kooxdii Southampton ee wajaheyso kooxda Norwich City.

Laakiin United ayay haatan u badan tahay inay Chelsea iyo Bayern Munich kula biiri doonto iskudaygeeda soo xerogelinta xiddiga reer Senegal marka la gaaro suuqa kala iibsiga xagaaga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip