The Sun Oo Saadaalisay Sida Ay U Muuqan Doonto Shaxda Man City Marka Guardiola Uu Yimaado, Lionel Messi Iyo Paul Pogba Oo Ka Dhex Muuqda. Su'aasha Ayaase Ah Ma Dhici Doontaa?

0
Thursday January 07, 2016 - 10:43:43 in Sports News by
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    The Sun Oo Saadaalisay Sida Ay U Muuqan Doonto Shaxda Man City Marka Guardiola Uu Yimaado, Lionel Messi Iyo Paul Pogba Oo Ka Dhex Muuqda. Su'aasha Ayaase Ah Ma Dhici Doontaa?

    Pep Guardiola ayaa u sheegay Manchester City inuusan dooneynin shaqo iska socota ilaa iyo inta noloshiisa ka dhiman balse uu doonayo tartankii ugu adkaa ee noloshiisa. Wargeyska The Sun ayaana qoreysa saaka in taasi ay tahay sababtii ay madaxda Ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pep Guardiola ayaa u sheegay Manchester City inuusan dooneynin shaqo iska socota ilaa iyo inta noloshiisa ka dhiman balse uu doonayo tartankii ugu adkaa ee noloshiisa. Wargeyska The Sun ayaana qoreysa saaka in taasi ay tahay sababtii ay madaxda City uga iibiyeen tababaraha ugu fiican caalamka qorshahooda ay ugaga dhigayaan Sky Blues kooxda ugu weyn caalamka.

Guardiola ayaa ku guuleysatay 19 koob oo waa weyn mudadii 7da sanno aheyd ee uu tababare ahaa, waana in ka badan inta ay ku guuleysatay Man City mudadii 136da sanno ee ay jirtay.

Waana sababta ay Man City oo ka mid ah kooxaha ugu qanisan caalamka ay u dooneyso in Guardiola uu ka dhigo kooxda ugu fiican caalamka.

Hamiga Man City ayaa ah inay ku guuleystaan markii ugu horeysay Champions League mudada uu Guardiola tababaraha u yahay islamarkaana uu Guardiola aas aas u noqdo awood ciyaareed oo ay ku qabsadaan caalamka.

Muddo seddex bilood ah ayay wada hadlayeen Man City iyo Gaurdiola, waxaana ninka reer Spain laga iibiyay qorshaha City ee uu isaga udub dhexaadka ka yahay.

Guardiola ayaana durbaba dalbaday in ciyaartoyda sida Lionel Messi iyo Paul Pogba loo keeno kooxda, halka sidoo kale uu calaamadeystay daafaca David Alaba iyo daafaca kale ee Barcelona Gerard Pique. Inay City ka dhaadhiciso xiddigahaas inay yimaadaan Etihad Stadium ayaa u baahnaan doonta shaqo adag iyo lacag badan.

Wargeyska The Sun ayaana soo saartay sida ay u ekaan karto shaxda Manchester City marka uu Guardiola yimaado islamarkaana uu helo ciyaartoyda uu doonayo:

XI (4-2-3-1): Hart; Sagna, Otamendi, Pique, Alaba; Fernandinho, Pogba; De Bruyne, Messi, Sterling; Aguero.

06_06203126_17081b_2630002a

Shaxdaan ma tahay wax macquul ah oo dhici karta mustaqbalka dhow? Fekerkaaga inoogu soo qor qeybta hoose ee fekradaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip