Manchester United oo qorsheynaysa inay la soo wareegto laba ka tirsan xiddigaha Atletico Madrid
Waxaa dhowaan la isla dhex qaadayay in kooxda Manchester United ay xiiso xooggan u qabto difaaca Atletico Madrid ee Lucas Hernandez.
Lacag dhan €80m ayay Red Devils diyaar u tahay inay kala xaajooto dhiggeeda si ay kaga qaataan dambeedka bidix ee qaranka France.
Balse qorshaha United waa uu ka daray, maadaama ay u hanqal taagayaan saxiixa Saul Niguez.
Labadii maalmood ee aan kasoo gudubnay ayaa waxaa soo if baxay in kooxda Barcelona ay dooneyso saxiixa laacibka khadka dhexe ka ciyaara.
Majaladda Spain kasoo baxda ee OK Diaro ayaa ku warrantay in kooxda Jose Mourinho ay diyaar la tahay inay miiska saarto qandaraaski laacibkan qiimaha lagu jebin karo oo ah €150m.
Warka ay daabacday OK Diaro ayaa intaas ku daraya in kooxo kale oo badan ay doonayaan 23-jirkan kuwaas oo dhammaantood doonaya adeeggiisa.
Sidaas darteed, Manchester United waxa ay diyaar u tahay inay €230m ay ku jebiso heshiisyada Saul Niguez iyo Lucas Hernandez.
Walow Saul uu heshiis waqti dheer kula jiro kooxda ku ciyaarta garoonka Wanda Metropolitano kaasoo gaaraya illaa 2026.
Manchester United oo qorsheynaysa inay la soo wareegto laba ka tirsan xiddigaha Atletico Madrid
Waxaa dhowaan la isla dhex qaadayay in kooxda Manchester United ay xiiso xooggan u qabto difaaca Atletico Madrid ee Lucas Hernandez. Lacag dhan €80m ayay Red Devils diyaar u tahay inay kala xaajooto dhiggeeda si ay kaga qaataan dambeedka bidi