Xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Thiago Silva, Joao Miranda, Casemiro iyo Marcelo ayaa xirtay marada xushmadda ee xulka Selecao, dhacdadii Koobka Adduunka oo ay ugaga hareen wareegga Siddeed Dhammaadka.
Kullanka maaliyadda cusub ay isticmaalayaan isla markaasna ay caawa la ciyaarayaan USA ayuu Neymar hooggaamin doonaa xulka Brazil.
26-jirkan iyo macallinkiisa Tite ayaa saxaafadda horteeda kasoo muuqday, waxaana Neymar uu werriyeyaasha u sheegay inuu aqbalay inuu noqdo Captain-ka rasmiga ah ee Brazil.
"Waan aqbalay markale, waayo, wax badan ayaan soo bartay, haddane waa baran doonaa, masuuliyaddaan waa mid aniga ii wanaagsanā€¯ ayuu yiri Neymar.
Neymar Jr oo loo magacaabay Captain-ka joogtada ah ee Brazil
Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Da Silva jr ayaa loo magacaabay Captain-ka joogtada ah ee xulka qaranka Brazil hooggaamin doona. Neymar ayaa aaminsan in hor kicista xulka Jaalleyaasha masuuliyaddooda ay tahay mid isaga u fiican.