Safka Liverpool kaga qeyb galaya Champions League

0
Wednesday September 05, 2018 - 23:43:28 in Wararka by
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safka Liverpool kaga qeyb galaya Champions League

    Weeraryahanka Liverpool Divock Origi ayaa lagu soo daray kooxdiisa isku diyaarineysa Champions League xilli ciyaareedkaan, inkastoo xiddiga garabka ka ciyaara ee Lazar Markovic laga saaray liiska. Origi ayaa la filayay inuu ka tago Liverpool xagaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Liverpool Divock Origi ayaa lagu soo daray kooxdiisa isku diyaarineysa Champions League xilli ciyaareedkaan, inkastoo xiddiga garabka ka ciyaara ee Lazar Markovic laga saaray liiska. Origi ayaa la filayay inuu ka tago Liverpool xagaagan ka dib markii uu xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay kooxda Wolfsburg, laakiin wax go'aan ah wali lagama gaarin mustaqbalkiisa. 23 jirkaan ayaa hore ugu riyaaqay Anfield, isagoo dhaliyay 21 gool labadii xilli ciyaareed ee ugu horeysay kooxdiis, laakiin imaashaha Mo Salah, Dominic Solanke iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa shaki galisay mustaqbalkiisa Merseyside. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inuu ku laabto safka Reds, iyadoo tababaraha Liverpool Jurgen Klopp uu ku daray 25 ciyaaryahan ee kooxdiisa matalaya. Joe Gomez iyo Tren Alexander-Arnold ayaa ka maqan liiska, maadaama ay dhasheen wixii ka dambeeyay January 1, 1997.

Safka Liverpool:

Goolhayayaasha:Alisson Becker, Simon Mignolet.

Daafaca:Nathaniel Clyne, Virgil Van Dijk, Dejan Lovren, Alberto Moreno, Andy Robertson, Joel Matip.

Khadka dhaxe:Fabinho, Georginio Wijnaldum, James Milner, Naby Keita, Sadio Mane, Jordan Henderson, Adam Lallana, Xherdan Shaqiri.

Weerarka:Roberto Firmino, Mohamed Salah, Daniel Sturridge, Divock Origi, Dominic Solanke.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip