RASMI: Ronaldo oo iibsaday kooxda ka dhisan La Liga

0
Tuesday September 04, 2018 - 11:39:52 in Wararka by
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Ronaldo oo iibsaday kooxda ka dhisan La Liga

    Real Valladolid ayaa xaqiijisay in weeraryahankii hore ee reer Brazil Ronaldo uu qaatay boqolkiiba 51 kamid ah saamiga kooxda. "Waxaan ku xisaabtamayaa inaan ka caawiyo Real Valladolid inay isku xoojiso horyaalka Primera, islamarkaana ay rajo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Valladolid ayaa xaqiijisay in weeraryahankii hore ee reer Brazil Ronaldo uu qaatay boqolkiiba 51 kamid ah saamiga kooxda. "Waxaan ku xisaabtamayaa inaan ka caawiyo Real Valladolid inay isku xoojiso horyaalka Primera, islamarkaana ay rajo ka yeelato tartamada waaweyn" ayuu yiri madaxweynaha cusub kooxda. "Iyadoo ay ku jiraan urur shaqaale, haddana qof kasta wuxuu ku qanacsan yahay maalgashiga cusub ee kooxda. Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa kasoo muuqday xaflada ka dhacday magaalada Madrid halkaasoo uuu xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee kooxda Carlos Suarez. Ronaldo ayaa 51% hantida kooxda ku qaatay 30-milyan oo euro, iyadoo qeybta kale ay leedahay shirkad gaaar ah. "Waxaan heysanaa ciyaartoyda ugu fiican ee kooxda guul gaarsiin kara" ayuu hadalkiisa raaciyay Ronaldo, kaasoo xaqiijiyay in Suarez uu sii wadi doono shaqada kooxda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip