Hordhac Kulanka Lugta Hore Ee Semi-finalka Capital One Cup Stoke v Liverpool – Shaxda Macquulka Ah, Waqtiga La Ciyaarayo Iyo Waxyaabaha Ka Cusub.

0
Tuesday January 05, 2016 - 12:26:33 in Sports News by
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac Kulanka Lugta Hore Ee Semi-finalka Capital One Cup Stoke v Liverpool – Shaxda Macquulka Ah, Waqtiga La Ciyaarayo Iyo Waxyaabaha Ka Cusub.

    Kulanka: Stoke City v Liverpool Garoonka: Britannia Stadium Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika Labada kooxood ayaa laga badiyay kulamadoodii Premier League waxaana ay caawa isku arkayaan lugta hore ee semi-finalka Capital One Cup oo ka dhaceysa g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Stoke City v Liverpool Garoonka: Britannia Stadium Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika Labada kooxood ayaa laga badiyay kulamadoodii Premier League waxaana ay caawa isku arkayaan lugta hore ee semi-finalka Capital One Cup oo ka dhaceysa garoonka Britannia Stadium. Stoke ayaa hal jeer ku guuleysatay koobkaan halka kooxda Liverpool ay hanatay sideed jeer waana kooxda ugu guulaha badan koobkaan.

MAXAA KA CUSUB?

Daniel Sturridge ayaa seegi doona kulanka lugta hore ee semi-finalka Capital One Cup oo ay Liverpool caawa la ciyaareyso kooxda Stoke City ka dib markii uu dib u dhac la xiriira soo kabsashadiisa dhaawaca muruqa uu soo wajahay.

Weeraryahanka oo 26 sanno jir ah ayaa waxaa dilooday dhaawacyo isagoo kaliya saftay 19 kulan xilli ciyaareedkii hore iyo lix kulan xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Reds Jurgen Klopp ayaana heysta hal gooldhaliye oo taam u ah waana Christian Benteke iyadoo Divock Origi iyo Danny Ings ay iyagana dhaawacan yihiin.

Kooxda Stoke waxaa diyaar u ah Geoff Cameroon inkastoo casaan la siiyay kulankii sabtida ee Premier League.

Daafaca Mareykanka ayaa casaan qaatay kulankii ay kooxdiisa guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay West brom laakiin waa laga masaxay casaankaas mana seegi doono seddex kulan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

StokeCity: Butland; Johnson, Shawcross, Wollscheid, Pieters; Cameron, Whelan, Shaqiri, Walters, Arnautovic; Bojan.

Liverpool: Mignolet; Clyne, Lovren, Sakho, Moreno; Lucas, Can; Lallana, Firmino, Coutinho; Benteke




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip