Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargeysyada Ingariiska Saaka Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Bisha Janaayo.

0
Tuesday January 05, 2016 - 12:19:10 in Sports News by
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargeysyada Ingariiska Saaka Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Bisha Janaayo.

    Suuqa kala iibsiga dalka Ingariiska ayaa furan maalintii afaraad, welina ma jiraan saxiixyo waa weyn oo ay sameeyeen kooxaha ugu waa weyn Premier League, laakiin waxaa jira ciyaartoy badan oo lala xiriirinayo. Hadaba waxaan saaka idiin soo uruurinay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga dalka Ingariiska ayaa furan maalintii afaraad, welina ma jiraan saxiixyo waa weyn oo ay sameeyeen kooxaha ugu waa weyn Premier League, laakiin waxaa jira ciyaartoy badan oo lala xiriirinayo. Hadaba waxaan saaka idiin soo uruurinay wararkii ugu danbeeyay ee ay wargeysyada Ingariiska ka qoreen suuqa kala iibsiga. War walba waxaa xuquuqdiisa iska leh wargeyska ku hor qoran.


Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Jack Wilshere ayaa lala xiriiriyay kooxda Manchester City, waxaana warkaas shidaal ku sii shubaya inuu iska iibinayo gurigiisa magaalada London. (The Sun)

Leicester City ayaa dalab 2 milyan ginni ah ku dooneysa xiddiga khadka dhexe ee AC Milan Nigel de Jong, iyagoo hal milyan ginni kale ku dari doona dalabkooda haddii ay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka danbe. (Daily Mirror)

Kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich ayaa kula soo biiray kooxda Manchester United tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka reer Senegal ee kooxda Southampton Saido Mane. (Daily Mirror) – Faahfaahinta warkaan halkaan ka akhriso

Manchester United ayaa diyaar u ah inay xagaaga ku dalbato lacag ka badan 75 milyan ginni weeraryahanka kooxda Real Madrid Gareth Bale ka dib markii kooxda reer Spain ay ceyrisay Rafa Benitez. (Daily Mirror) – Faahfaahinta warkaan halkaan ka akhriso

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso bishaan 27 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Watford Troy Deeney. (Daily Star)

West Ham ayaa dooneysa inay iska iibiso weeraryahan Andy Carroll oo ay ku gado 18 milyan ginni, Sunderland iyo kooxdiisa hore ee Newcastle ayaa xiiseynaya 26 sanno jirkaan. (Daily Mirror)

Weerrayahanka kooxda Lokomotiv Moscow Oumar Niasse oo 25 sanno jir ah ayaa u soo dhaqaaqaya bishaan horyaalka Premier League iyadoo Chelsea, Manchester United iyo Tottenham ay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya xiddigii lagu qiimeeyo 15ka milyan ginni ee reer Senegal. (The Guardian)

Chelsea, Manchester City iyo Juventus ayaa doonaya xiddiga khadka dhexe ee Spain ee kooxda Real Madrid 23 jirka Isco, kaasoo laga yaabo inuu Bernabeu ka tago bishaan Janaayo. (Daily Express)

Manchester City ayaa loo sheegay in qiimaha 19 jirka khadka dhexe ee Schalke Leroy Sane uu yahay ugu yaraan 40 milyan ginni. (The Sun)

Kooxda Leicester City ayaa u soo bandhigi doonta 28 jirka reer England ee weerarka ka ciyaara qandaraas cusub bishaan Janaayo taasoo u laba jibaareysa mushaharkiisa haatan. (Daily Mail)

Bournemouth ayaa dooneysa inay la wareegto weeraryahanka koxoda Chelsea Patrick Bamford ka dib markii 22 jirkaan uu soo gabagabeeyay amaahdii uu ku jooray Crystal Palace. (Daily Star)

Marouane Fellaini oo 28 sanno jir ah kama tagayo bishaan Janaayo Man United sida uu sheegay tababare Louis van Gaal kaasoo diiday dalab amaah ah oo ugaga yimid xiddiga khadka dhexe kooxda AC Milan. (Independent)

Tababaraha Stoke City Mark Hughes ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada uu ku bixi karo bishaan Janaayo ciyaaryahan Bojan Krkic, isagoo sheegay inaysan jriin lacag lagu burburin karo qandaraaska weeraryahanka. (Daily Mail)

Crystal Palace ayaa dalab 10 milyan ginni ah ka gudbineysa xiddiga khadka dhexe ee Swansea 23 sanno jirka Jonjo Shelvey. (Daily Telegraph)

Kooxda Aston Villa ayaa dooneysa inay la wareego daafaca midig ee kooxda Arsenal Mathieu Debuchy oo 30 sanno jir ah si uu uga badbaadiyo inay u laabtaan heerka labaad laakiin waxaa xiiseyneysa kooxda West Brom. (The Sun)

Kooxda Barcelona ayaa diiwaangelisay 77 ciyaaryahano cusub oo ay ku jiraan Adra Turan iyo Aleix Vidal ka dib markii xayiraadii saarneyd mudadii 14ka bilood aheyd ay soo dhamaatay shalayto. Xiddigaha ay la wareegeen badankooda waa da’ yar akadeemigooda ku biireysa. (Metro)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip