WARBIXIN: Shan Waxyaabood Oo Sabab U Ahaa In Real Madrid Ay Shalayto Ceyriso Tababare Rafael Benitez.

0
Tuesday January 05, 2016 - 12:11:52 in Sports News by
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Shan Waxyaabood Oo Sabab U Ahaa In Real Madrid Ay Shalayto Ceyriso Tababare Rafael Benitez.

    1. Si dhab ah dib looguma soo dhaweynin:Inkastoo uu xiriir lasoo lahaa Real Madrid, Benitez marnaba ma aheyn tababare ay doonayeen taageerayaasha. Ciyaartoyda iyo taageerayaashaba waxa ay ka xumaayeen in Carlo Ancelotti la diro, magacaabistii Benitez

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Si dhab ah dib looguma soo dhaweynin:Inkastoo uu xiriir lasoo lahaa Real Madrid, Benitez marnaba ma aheyn tababare ay doonayeen taageerayaasha. Ciyaartoyda iyo taageerayaashaba waxa ay ka xumaayeen in Carlo Ancelotti la diro, magacaabistii Benitez iyadana kama aysan caawinin inay xanuunka ka yareyso mudadii yareyd. Inkastoo uu guulo ku soo gaaray Valencia iyo Liverpool, hadana sumcadiisii tababarenimo waxa ay hoos u dhacday intii uu joogay Inter Milan, sidaasi darteed ku soo laabashadiisii Bernabeu laguma soo dhaweynin gacmo furan.

rafa-benitez-1448207470665

rafael-benitez-zinedine-zidane-real-madrid_3395635

2. Dhibaatooyin ka heysta qolka labiska:Mudadii gaabneyd ee uu joogay kooxda waxaa si sir ah saxaafada loogu soo gudbinayay qilaafkii u dhaxeeyay tababaraha iyo ciyaartoyda. Marka hore waxa uu hoos u dhigay laacibnimada Cristiano Ronaldo, halkii uu ka dhihi lahaa "Haa Ronaldo waa xiddiga ugu fiican aduunka” Benitez ayaa saxaafada ka hor yiri "Cristiano Ronaldo waxa uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican adduunka.” ka dib waxa ay isqilaafeen Sergio Ramoes kulankii Madrid Derby. Waxa ay sidoo kale dhib isku qabeen James Rodriguez iyo Isco halka xitaa Denis Cheryshev iyo Jese ay waxyaabo xiiso leh ka sheegeen tababarahooda.

3. Dhibaatooyinka garoonka:Waa qariib in sidaan la dhaho iyadoo Los Blancos ay ciyaaraha qaar ku badisay 10-2 iyo 8-0 xilli ciyaareedkan, laakiin marnaba uma aysan muuqan kuwa qaab ciyaareed fiican ku jira marka ay kulamada muhimka ah ay timaado. Marka laga soo tago guushii ay ka gaareen PSG iyo guushii ay u dagaalameen ee Athletic Bilbao, waxa ay ka gaabiyeen dhamaan kulamadii ay la ciyaareen kooxaha loo arko inay adag yihiin sida Sevilla, Atletico, Villarreal, Valencia, Barcelona. Marka garoonka lagu jiray ciyaartoyda waxa ay u muuqdeen inay si shaqsiyan u ciyaarayaan halkii ay taatiko kooxeed ama nidaam guulo lagu gaaro ku ciyaari lahaayeen.

JS77154515

4. Ceebtii Clasico:Madrid kaliya hal kulan ayaa laga badiyay ka hor inta aysan wajihin Barcelona laakiin waxa ay kulanka Clasico ciyaarayeen iyagoo loo arko kooxda hooseysa. Taasna waa ay ku soo baxday markii afar gool looga badiyay iyadoo Messi uu xitaa bedel ku soo galay qeybtii labaad. Wixii markaas ka danbeeyay mustaqbalka Benitez calaamad su’aal ayaa dulsaarneyd, haddii uu Florentino Perez shir jaraa’id qabto oo uu kuugu taageerayo waxa ay la micno tahay digniintaadii kuugu danbeysay, ka dibna waxaa ku soo xigtay ceyrintii shalayto.

5. Taageerayaasha oo nacay Benitez: ‘iyo tababarahiina Rafael Benitez’ ayaa codbaahiyaha Bernabeu lagu yiri ka hor kulankii ay Madrid ka badisay Real Sociedad arbacadii hore. ‘Buuuuu,” ayay aheyd jawaabtii ka soo baxday taageerayaasha. Los Blancos waa ay badisay ciyaartaas laakiin ma aysan badinin kulankii axadii ee Valencia. Marka ay taageerayaasha ka soo horjeestaan gaar ahaan marka aysan waligoodba kula jirin, ma jirto wax isbedel ah oo aad sameyn karto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip