Oliver Giroud Oo U Jawaabay Alan Shearer Oo Dhawaan Sheegay In Arsenal Ay Seddex Saxiix U Jirto Inay Hanato Premier League Xilli Ciyaareedkan.

0
Monday January 04, 2016 - 12:54:50 in Sports News by
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oliver Giroud Oo U Jawaabay Alan Shearer Oo Dhawaan Sheegay In Arsenal Ay Seddex Saxiix U Jirto Inay Hanato Premier League Xilli Ciyaareedkan.

    Olivier Giroud ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Alan Shearer ee ahaa in Arsenal ay u baadan tahay saxiixyo cusub si ay ugu guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Olivier Giroud ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Alan Shearer ee ahaa in Arsenal ay u baadan tahay saxiixyo cusub si ay ugu guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan.

Qabiirka barnaamijka Match of the Day ee BBC Shearer ayaa sheegay in Arsenal ay u baahan tahay seddex ciyaaryahan oo cusub si ay ugu guuleystaan horyaalka ay haatan hogaaminayaan, isagoo sheegay inay u baahan yihiin, burburiye khadka dhexe ah, daafac dhexe iyo gooldhaliye.

Laakiin weeraryahan Giroud ayaa sheegay ka dib markii uu Arsenal ka caawiyay inay ka badiyaan Newcastle sabtidii: "Ii sheeg meesha aan ka liidano, kaliya ii sheeg halkee u baahan saxiix cusub! Waxaan ku sharxi doonaan inaan u baahneyn.

"Waxaan heysanaa ciyaartoy aad u fiican oo xitaa kursiga keydka fadhiya, ciyaartoy da’ yar oo sugeysa inay soo galaan. Aad ayay u tayo sareeyaan. Wax walwal ah kama qabo aniga.

"Danny Welbeck waxa uu ku soo laabanayaa bil iyo bar gudaheed. Theo Walcott waxa uu ka ciyaari karaa afka hore, Joel Campbell shaqo fiican ayuu afka hore uga qabtaa xulkiisa. Haddii aanan fiicneyn ama aan dhaawacmo, waxaan weli heysanaa xal”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip