Mustaqbalkiisa, Kulankii Xalayto Iyo Wax Walba Oo Rafael Benitez Kaga Hadlay Shirkiisii Jaraa'id Ee Ka Dib Kulankii Ay Real Madrid Barbaraha La Gashay Valencia.

0
Monday January 04, 2016 - 12:53:15 in Sports News by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustaqbalkiisa, Kulankii Xalayto Iyo Wax Walba Oo Rafael Benitez Kaga Hadlay Shirkiisii Jaraa'id Ee Ka Dib Kulankii Ay Real Madrid Barbaraha La Gashay Valencia.

    Tababare Rafael Benitez ayaa saxaafada soo hor fariistay ka dib barbarihii ay kooxdiisa Real Madrid garoonka Mestalla Stadium kula gashay kooxda Valencia, waxaana wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa, qaab ciyaareedka kooxdiisa iyo dareenkiisa ku aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Rafael Benitez ayaa saxaafada soo hor fariistay ka dib barbarihii ay kooxdiisa Real Madrid garoonka Mestalla Stadium kula gashay kooxda Valencia, waxaana wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa, qaab ciyaareedka kooxdiisa iyo dareenkiisa ku aadan ciyaartii xalayto.

Laacib.net ayaana idiin soo qortay su’aalihii ay saxaafada weydiisay Benitez ciyaarta ka dib iyo jawaabihii uu bixiyay oo dhameystiran.

Waxaa maxay dareenkaaga ciyaarta?

Waxaan soo bandhignay ciyaar wanaagsan. Qeybtii hore waxaan ciyaarta koontarooleynay 35 daqiiqadood. Qeybtii labaad waa ay inagu yara adkeyd. Laakiin waxaan u shaqeynay si fiican. Ka dib markii aan noqonay 10 ciyaaryahan waxaan u baahneyn dadaal dheeri ah waana ay sameyeen sidaas ciyaartoyda. Waxaan helnay fursado aan ciyaarta ku badin karnay, waxaase sidoo kale ay heleen fursado ay inooga badin kareen. Waa wax la ceebsado in gool uu si dhakhso ah inooga dhasho ka dib markii aan dhalinay goolka labaad.

Labo qalad oo difaac ayaaa guusha u aqoonsaday kooxda….

10kii daqiiqo ee aanan koontarooleynin ciyaarta qeybtii hore ma ahan inay waxkama jiraan ka dhigto 35tii daqiiqo ee aan ciyaarta heysanay. Ka dibna inuu gool kaa dhasho adigoo dadaal weyn u galay inaad gool labaad hesho…ma aqaano inay nasiibkooda aheyd ama inaan anaga dhankeena isdhiganay. Laakiin waxaan ku amaanayaa ciyaartoydeyda shaqada adag ee ay caawa soo bandhigeen.

Maxaad u bedeshay Benzema?

Waxa uu u shaqeeyay si aad u adag. Waxaana dhibaato yar uu ku qabay tababarka maalin dhaweyd, waxaana dooneynay inaan bartamaha garoonka qabsano. Nasiibdarro ciyaaryahan ayaa casaan inaga qaatay, waxaana xaalada ay isku bedeshay inaan cagaha dhulka ku adeyno. Kooxda waxa ay sameysay dadaal weyn xitaa markii aan 10 nin aheyn.

Mar kale waa fursad aad qasaariseen oo aad ku soo gaari laheydeen Barcelona. Miyaad u cabsaneysaa shaqadaada?

Xaq ayaad u leedihiin inaad i weydiisaan su’aashaas laakiin waxaad ka yara weecateen qodobka meesha yaala. Waa fursad la seegay kaliya haddii aad eegto natiijada. Dadaalka ay kooxda sameysay, ciyaartoydeyda waxa ay u qalmaan in amaan badan dusha looga huwiyo.

Ma u maleyneysaa in booskaaga su’aal laga keeno kulan kasta oo ay Madrid ciyaarto?

Taasi kama fogaan karo dadka qaar ayaa bilaabo wararka xanta. Waxa aan sameyn karo ayaa ah inaan hubiyo inay kooxdeyda u shaqeyso sidii ay caawa u shaqeysay. Nasiibdarro dadaalkii ay sameeyeen ma aanan awoodin inaan seddexda dhibcood qaadano.

Varane taam miyuu u ahaa inuu ku soo bilowdo?

Intii ku soo bilaabatay iyo intii fadhisay kursiga keydka ayaa aheyd intii awooday inay 90 daqiiqadood ciyaaraan. Dabcan Benzema xanuun ayaa yara hayay, ka dib shaqada uu qabtayna waa aan ku qasbaneyn inaan soo saarno.

Maxaad ka fekereysaa haatan?

Waxaan doonayaa inay kooxdeyda si wacan u ciyaarto sidii maanta oo kale, waxaan doonayaa inay dagaalamaan oo wax waliba ay u shaqeeyaan sidii loo baahnaa. Xitaa markii aan 10 nin aheyn waxaan maareynay inaan gooldhalino. Waana taas waxa aan diirada saari doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip