Kaadh CAS Muu Ahayn, Wuxuu Ahaa Dagaal Xadhig Lagu Mutaysan Karo, Garsoore Hore Howard Webb Oo Ugu Danbayn Si Faah Faahsan Usharaxay Dhacadadii Xumayd Ee Nigel de Jong Iyo Xabi Alonso Ee Finalkii Koobkii Aduunka Ee 2010- Kii

0
Monday January 04, 2016 - 12:46:43 in Sports News by
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaadh CAS Muu Ahayn, Wuxuu Ahaa Dagaal Xadhig Lagu Mutaysan Karo, Garsoore Hore Howard Webb Oo Ugu Danbayn Si Faah Faahsan Usharaxay Dhacadadii Xumayd Ee Nigel de Jong Iyo Xabi Alonso Ee Finalkii Koobkii Aduunka Ee 2010- Kii

    Garsoorahii hore ee ree England eeHoward Webb ayaa ugu danbayn si furan uga hadlay dhacdadii layaabka lahayd ee finalkii koobkii aduunkii 2010 kii dhex martayNigel de Jong oo Holland u ciyaarayay iyoXabi Alonso oo xulka qaranka Spain ka tirsanaa. Wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoorahii hore ee ree England eeHoward Webb ayaa ugu danbayn si furan uga hadlay dhacdadii layaabka lahayd ee finalkii koobkii aduunkii 2010 kii dhex martayNigel de Jong oo Holland u ciyaarayay iyoXabi Alonso oo xulka qaranka Spain ka tirsanaa. Waxay ahayd dhacdo qof kasta oo daawanayay la yaabay isla markaana la rumaysan waayay in De Jong uu garoonka ku sii jiray kadib markii uu taakal doqoniimo iyo cadawnimo ah uu xabadka kaga qabtay Alonso.

Finalkii koobkii aduunka ee 2010 oo ka dhacay magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika ayuu De Jong daqiiqadii 28 aad xabadka ka laagay Alonso laakiin Howard Webb oo kulankaas garsoore ka ahaa ayaa xidiga ree Holland kaadhka digiinta oo kaliya siiyay balse waxa uu markan qirtay in aanu xataa kaadhka cas oo kaliya lahayn balse uu ahaa dagaal uu xadhig ku mutaysan karay De Jong.

Alonso

Alonso2

Howard Webb oo la hadlayay BT Sport ayaa si furan dhacdadan uga hadlay wuxuuna yidhi: "Wali waxaan filayay in aan garoonka wax sax ah ka sameeyay, sidaa daraadeed waxaan dib ugu soo laabtay qolka labiska waxaana jeebkiisa gacanta galiyay caawiyahaygii garsooraha, wuxuuna la soo baxay telefoonkiisa, wajigiisa ayaana isbadalay” ayuu Webb hadalkiisa ku bilaabay.

"Waxaan ku idhi: "Maxaa qaldan?, wuxuuna yidhi: "Waxaa waajib ahayd in De Jong uu kaadhka cas qaato, ninkii xarunta garsoorayashu waxa uu leeyahay in ay waajib ahayd in De Jong kaadhka cas la siiyo”. ayuu Web hadalkiisa ku sii sharaxay.24

Intaa kadib maxaa dhacay? Webb ayaa si cajiib ah u sharaxay wixii la kulmay wuxuuna yidhi: "Waan iska tagay, waxaanan ku idhi: "Miyaad kaftamaysaa?, waxaan soo qaatay telofoonkayga, saaxiibkay oo booliiis ah ayaa yidhi: "Howard, may ahayn kaadh cas, waa dagaal laysku xidhi karo!!!” ayuu Webb sheegay isaga oo ka hadalay dilkii uu De Jong u gaystay Alonso.Iniesta

Finalkii koobkii aduunka ee 2010 ee dhex maray xulalka qaramda Spain iyo Netherlands iyo koobkii aduunka ee 2010 kii ayuu Webb bixiyay 14 kaadh oo digniin ah halka uu waqtigii dheeriga ahaa kaadhka cas siiyay difaacii Holland ee Johnny Heitinga balse waxa uu seegay mid ka mid ah dhacdadii ugu xumayd ee taaariikhda koobka aduunka soo martay, waxaana gool taariikhda koobka aduunka meel sare kaga jira waqtigii dheeriga ahaa Spain koobka ugu horseedayAndres Iniesta.



 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip