Mateo Kovacic Oo 26 Sano Kadib Noqday Ciyaartoygii Ugu Horeeyay Ee Real Madrid Ah Oo Kaadhka Cas Oo Toos Ah Ku Qaatay Mestalla Stadium, Xidigee Ugu Danbeeyay?

0
Monday January 04, 2016 - 12:42:46 in Sports News by
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mateo Kovacic Oo 26 Sano Kadib Noqday Ciyaartoygii Ugu Horeeyay Ee Real Madrid Ah Oo Kaadhka Cas Oo Toos Ah Ku Qaatay Mestalla Stadium, Xidigee Ugu Danbeeyay?

    Real Madrid ayaa xalay markale iska lumisay fursad qaali ahayd oo ay kaalinta labaad kaga soo gali lahayd kala saraynta La Ligaha kadib markii ay barbaro 2:2 ah la soo gaashay kooxda Valencia kulan xiiso badnaa oo Mestalla Stadium ku dhex maray labad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa xalay markale iska lumisay fursad qaali ahayd oo ay kaalinta labaad kaga soo gali lahayd kala saraynta La Ligaha kadib markii ay barbaro 2:2 ah la soo gaashay kooxda Valencia kulan xiiso badnaa oo Mestalla Stadium ku dhex maray labada kooxood.

Waxay u muuqatay in Real Madrid ay saddexda dhibcood heshay markii ay ciyaarta 8 daqiiqo oo kaliyi ka hadhsanayd iyada oo Bale uu daqiiqadii 82 aad goolka labaad u dhaliyay laakiin Valencia ayaa daqiiqad kaliya kadib heshay goolkeeda barbaraha. Labada kooxoodba waxa dhamaadkii ciyaarta heleen fursado aan la rumaysan karin iyada oo Bale iyo Negredo ay goolhayaasha kubbado kula baxeen.

Kovacic

Laakiin daqiiqadii 70 aad ayuuMateo Kovacic 26 sano kadib noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee Real Madrid ka tirsan oo kaadhka cas oo toos ah ku qaata Mestalla Stadium. Cristiano Ronaldo ayaa kubbad uu xerada ganaaxa Valencia la soo galay cadaadis kala kulmay goolhayeDomenech iyo difaaca Valencia eeAbdennour laakiin garsoore Sánchez-Martínez ayaa Ronaldo u sheegay in aan wax qalad ah loo gaysan.Kovacic4

Isla markiiba Valencia ayaa weerar rogaal celis ah ku qaaday goolka Real Madrid, waxaana fursad furan helay Cancelo laakiin xidiga ree Croatia ee Kovacic ayaa xamaasadiisa xakamayn kari waayay wuxuuna qalad xun ku galay Cancelo taas oo garsoore Sanchez-Martinez wax kala doorasho ah u diiday ilaa in uu kaadhka cas soo saaro mooyee.Kovacic2

Waxaa ciyaartoy Real Madrid ah oo kaadhka cas si toos ah Mestalla Stadium ugu qaatay ugu danbeeyayHugo Sánchez kaas oo sanadkii 1990 kii sidan oo kale kaadhka cas oo toos ah loo taagay, waana waqti hadda laga joogo muddo 26 sano ah.Benitez ayaan kulankii Valencia shaxdiisa ku soo darin James Rodriguez iyo Isco kuwaas oo si wayn uga niyadjabsan macalinka ree Spain.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip