SUUQA KALA IIBSIGA: Koox Weyn Oo Ivanovic U Soo Bandhigtay Wado Uu Kaga Baxsado Chelsea Bishaan Janaayo.

0
Monday January 04, 2016 - 12:40:35 in Sports News by
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Koox Weyn Oo Ivanovic U Soo Bandhigtay Wado Uu Kaga Baxsado Chelsea Bishaan Janaayo.

    Kooxda AC Milan ayaa diyaar u ah inay bishaan Janaayo dalab ka gudbiso daafaca midig ee kooxda Chelsea Branislav Ivanovic iyagoo raadinaya inay xoojiyaan daafaciida, sida ay ku warameyso jariirada Ingariiska ee Daily Mirror.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda AC Milan ayaa diyaar u ah inay bishaan Janaayo dalab ka gudbiso daafaca midig ee kooxda Chelsea Branislav Ivanovic iyagoo raadinaya inay xoojiyaan daafaciida, sida ay ku warameyso jariirada Ingariiska ee Daily Mirror.

32 jirkaan ayaa lix bilood ay kaga harsan tahay qandaraaskiisa Stamford Bridge, waxaana uu ilaa iyo haatan ku guuldareystay inuu heshiis cusub saxiixo.

Ivanovic ayaa ku dhibtooday inuu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo xilli ciyaareedkan, iyadoo Blues ay ku jirto kaalinta 14aad, laakiin waxa uu saftay 16 kulan horyaalka isagoo dhaliyay hal gool.

Wargeyska The Mirror ayaana sheegaya in Milan ay dooneyso inay si degdeg ah kula wareegto Ivanovic, iyagoo ka baqaya inuu xagaaga dooqyo badan lahaan doono, iyadoo Chelsea ay halis ugu jirto inay seegto Champions League xilli ciyaareedka danbe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip