Wayne Rooney Iyo Willian Oo Hogaaminaya Kooxdii Isbuucaan Ugu Fiicneyd Horyaalka Premier League.

0
Monday January 04, 2016 - 12:36:25 in Sports News by
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wayne Rooney Iyo Willian Oo Hogaaminaya Kooxdii Isbuucaan Ugu Fiicneyd Horyaalka Premier League.

    Leicester City ayaa seegtay rigoore iyagoo ku guuldareystay inay shabaqa soo taabtaan kulankii seddexaad iyagoo barbaro la galay kooxda Bournemouth, halka Manchester United iyo Manchester City ay guulo gaareen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Leicester City ayaa seegtay rigoore iyagoo ku guuldareystay inay shabaqa soo taabtaan kulankii seddexaad iyagoo barbaro la galay kooxda Bournemouth, halka Manchester United iyo Manchester City ay guulo gaareen.

Chelsea ayaa garaacday Crystal Palace guushoodii ugu horeysay ee intii uu macalin u noqday tababare Guus Hiddink, halka Liverpool ay guuldarro kala kulantay kooxda West Ham.

Hadaba qabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xushay kooxdii isbuucaan ugu fiicneyd horyaalka Premier League.

Dhanka goolka waxa uu soo xushay goolhayaha kooxda Bournemouth Boruc kaasoo fursado fiican ka badbaadiyay Riyad Mahrez iyo Jamie Vardy oo ay ku jirtay rigooradii uu ka beeniyay Mahrez kulankii ay Bournemouth iyo Leicester City barbaraha goolal la’aanta ku kala baxeen.

Rooney22

Arsenal ayaa dheereysatay hogaankeeda horyaalka Premier League iyagoo guul 1-0 ah ka gaaray isbuucaan kooxda Newcastle.

Dhanka daafaca waxaa ka dhex muuqda daafaca kooxda Arsenal Koscielny kaasoo ku dadaalay inay kooxdiisa shabaqa ilaashato xilli ay guul ciriiri ah ka gaareen kooxda Newcastle, waxaa kula wehliya James Collins kaasoo jeebka gashtay weerarkii Liverpool ee kulankii sabtida ee ay West Ham badisay, halka daafaca seddexaad waa daafaca kooxda Bournemouth Simon Francis kaasoo casaan qaatay kulankii Leicester balse intii uu garoonka ku jiray sameeyay difaacashii ugu fiicneyd ciyaarta.

Booska burburiyaha khadka dhexe waxaa ku jira Tettey oo goolka guusha u dhaliyay Norwich kulankii ay ka badiyeen Southampton iyo Mark Noble oo khadka dhexe ka qabsaday Liverpool kulankii ay guusha raacday kooxdiisa West Ham.

Afarta ciyaaryahan ee ka danbeysa gooldhaliyaha ee shaxda isbuuca ee Garth waxaa ka mid ah xiddiga kooxda Chelsea Willian kaasoo wacdarro dhigay kulankii ay Blues 3-0 kaga badisay kooxda Crystal Palace isagoo shabaqa soo taabtay islamarkaana caawiye ka ahaa goolkii Diego Costa. Waxaa kula wehliya Dela Alli kaasoo Tottenham wacdarro u dhigay islamarkaana u dhaliyay goolkii barbaraha ee kulankii ay Everton la ciyaareen.

Wayne Rooney ayaa isna qaab ciyaareedkiisii hore ku soo laabtay isagoo shabaqa soo taabtay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Swansea City, halka Antonio uu boos ka helay shaxdaan ka dib markii uu dhibay Liverpool islamarkaana uu dhaliyay goolkii ugu horeysay ee kooxda West Ham ee kulankii ay ku badiyeen Upton Park.

Shaxda isbuuca waa weerarkeeda hogaaminaya Jermain Defoe kaasoo labo gool dhaliyay kulankii ay Sunderland 3-1 ku dubatay kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Aston Villa.

_87466188_totw

finance




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip