Man United Oo Bixineysa Lacagta Lagu Burburin Karo Qandaraaska Neymar Ee Barcelona Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Isniin Ah.

0
Monday January 04, 2016 - 12:34:12 in Sports News by
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Bixineysa Lacagta Lagu Burburin Karo Qandaraaska Neymar Ee Barcelona Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Isniin Ah.

    Suuqa kala iibsiga Ingariiska ayaa fursan maalintii seddexaad iyadoo weli aysan jirin heshiisyo rasmi ah oo ay gaareen kooxaha waa weyn, waxaana la filayaa in maanta ay Liverpool ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Red Star Belgrade Marko Gr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga Ingariiska ayaa fursan maalintii seddexaad iyadoo weli aysan jirin heshiisyo rasmi ah oo ay gaareen kooxaha waa weyn, waxaana la filayaa in maanta ay Liverpool ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Red Star Belgrade Marko Grujic, hadaba waxaan maanta idiin soo uruurinay wararkii ugu waa weynaa ee ay wargeysyada Ingariiska ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

daily mirror

Daafaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic oo 31 sanno jir ah ayaa waxa uu diirada u saaran yahay bishaan Janaayo kooxda AC Milan ka dib markii lala xiriiriyay kooxda ay xafiiltamaan ee Inter Milan.

Xiddigaha kooxda West HamMauro Zarate iyo Diego Payet ayaa u qorsheysan inay ka tagaan kooxda inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bishaan Janaayo.

Xiddiga diirada u saaran Tottenham iyo Newcastle Michy Batshuayi ayaan meelna u socon bishaan Janaayo sida uu sheegay macalinka Marseille Michel.

daily star

Manchester United ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska Neymar ee Barcelona ee gaareysa 140 milyan ginni sida ay qortay jariirada Faransiiska ee Le10Sport. Xiddiga reer Brazil ayaa wadahadalo qandaraas kordhin ah ku jiray laakiin wadahadalada ayaa joogsaday.

the sun

Kooxda Manchester United ayaa la socota xaalada xiddiga kooxda Benfica Renato Sanchez. Rag ka socda Man United ayaa daawaday ciyaaryahanka iyagoo warbixin amaan ah oo ku aadan 18 jirkaan u gudbiyay tababare Louis van Gaal.

Xiddiga diirada u saaran kooxda Chelsea Marquinhos ayaa uga digay Paris Saint-Germain inay ciyaarsiiyaan ama inay riski gelinayaan inay waayaan.
daily mail

Xiddiga u bartilmaameedsan Manchester United Sadio Mane ayaa ka tagi doona Southampton laakiin ma baxayo xagaaga ka hor. Weeraryahanka reer Senegal ayaa keyd la geliyay kulankii Norwich ka dib markii uu ka soo daahay kulanka kooxda.

 

daily express

Leicester ayaa dalab 7.3 milyan ginni ah ka gudbisay daafaca reer Portugal ee kooxda Sampdoria Pedro Pereira.

Chelsea ayaa isku dayaysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka kooxda Lokomotiv Moscow iyo xulka Senegal 25 jirka Oumar Naisse.

Daafaca kooxda Liverpool Kolo Toure ayaa diirada u saaran kooxda Serie A ka dhisan ee Lazio, 34 jirkaan ayaa qandaraaskiisa Anfield waxa uu ku egyahay xagaaga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip