Muuqaalkiisa ha u maleyn!! =Qiso Cajiib ah=

1
Thursday August 23, 2018 - 23:12:02 in Wararka by
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuqaalkiisa ha u maleyn!! =Qiso Cajiib ah=

    Casrigii Nabiyu laahi suleymaan CS ayaa shimbiri tagtay baraag si ay biya uga soo cabto, waxa ay Ku aragtay Caruur baraagta biyo u soo doontay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Casrigii Nabiyu laahi suleymaan CS ayaa shimbiri tagtay baraag si ay biya uga soo cabto, waxa ay Ku aragtay Caruur baraagta biyo u soo doontay.

Waxa ay Ka cabsatay in ay waxyeelaan, weyna sugtay ilaa ay Ka tagaan. Markii ay tageen caruurtii ayaa waxaa yimid nin oday ah oo gar weyn. Waxa ay is tiri kanu wax Kuma yeelayo, waxa ayna Ku soo degtay barkadii. Odaygii ayaa dhagax Ku soo tuuray oo IL ka riday.

Shimbirtii waxa ay u dacwootay Nabi Suleymaan CS, waxaa loo yeeray ninkii. Waxaa lagu yiri: wax dan ah miyaad Ka leheyd shibirtaan, markaad Isha Ka rideysay?. Wuxuu yiri: Maya… Waxaa lagu xakumay in IL laga rido.

Shimbirtii ayaa Ku qaylisay maya, anniga ishiisu dambi igama galin, waxaan ku sirmay garkiisa, ee garka halaga xiiro, si aan loogu sirmin .

Qisadaan, Waxaa i soo xasuusiyay Garyaqaan saalax.

Odiguna ha Ku sirmin muuqaalka, kuwa 6 saac kuleylaha jaakada ku wato, iyo xilka ay sheeganayaan, yeeyna IL kaa ridin.

Qore: yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip