Waa ku dhalee isoo raac……!.

0
Wednesday August 15, 2018 - 23:22:12 in Wararka by
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa ku dhalee isoo raac……!.

    Boqol Sanno ka hor ayaa Cali wadani oo Somali Reer miyi ahaa oo wata. 1- Qardhaaskii (Xirsigii) uu sharta isaga xijaabayay dhaqan ahaan. 2- Tusbixii uu ku wardinayay diin ahaan. 3- Warnkii uu isku difaacayay dad ahaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqol Sanno ka hor ayaa Cali wadani oo Somali Reer miyi ahaa oo wata. 1- Qardhaaskii (Xirsigii) uu sharta isaga xijaabayay dhaqan ahaan. 2- Tusbixii uu ku wardinayay diin ahaan. 3- Warnkii uu isku difaacayay dad ahaan.

Ayaa waxaa ka hor yimid nin itoobiyaan ah & nin Reer galbeed gumeeystaa ah , waxa ay ku yiraahdeen, Saaxiiboow warankaaga na sii, si aan kuugu xusuusano ?.

Wuxuu yiri: Maya, igu xusuusta in aad i weeydiisateen, oo aan idiin diiday.

Boqol sanno kadib, wiil uu Awoow u yahay Cali wadani oo Jaamici ah ayaa waxaa u yimid nin itobiyaan ah, nin Carab ah iyo nin reer galbeeda oo Maalqabeen ah, waxa ay ku yiraahdeen, saaxiiboow Baddaada na sii, si aan kuugu xusuusano.

Sug, horta wixii uu ku jawaabay Jaamicigu maxeey aheeyd,waan iska hilmaamaye?. i xusuusi.

Qore: yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip