Xiriirka Kubadda Cagta Spain Oo Xeer Cusub Kusoo Daray Final-ka Supercopa de Espana

0
Saturday August 11, 2018 - 14:18:04 in Wararka by
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Kubadda Cagta Spain Oo Xeer Cusub Kusoo Daray Final-ka Supercopa de Espana

    Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa ku dhawaaqay xeer cusub oo la fahamsan yahay inuu caawin doono labada kooxood ee final-ka koobkaSupercopa de Espana wada ciyaari doona isbuucaan, waana wax ku saabsan badalada la sameyn karo waqtiga oo dhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa ku dhawaaqay xeer cusub oo la fahamsan yahay inuu caawin doono labada kooxood ee final-ka koobkaSupercopa de Espana wada ciyaari doona isbuucaan, waana wax ku saabsan badalada la sameyn karo waqtiga oo dhan

Dhawaan ayey aheyd markii xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ay ka hirgaliyeen tartamada maxaliga ah ee dalkooda laga isticmaalo xeer u sahlaya kooxaha ciyaaraya wareegyada bug-baxda in loo ogolaado badal afaraad marka uu kulanka gaaro waqtiga dheeriga ah.

Xeerkaan wuxuu labada kooxood ka saacidayaa iney badal afaraad helaan hadii kulanka uu gaaro waqti dheeri ah ama la isla dhaafo 90-ka daqiiqo ee caadiga ah.

Xeerkaan wuxuu fikirkooda ku yimid guddiga caalamiga ah ee kubadda cagta, kuwaas oo wax badan u fakaray in loo baahan yahay badalkaan dheeraadka ah.

Xiriirka kaliya go’aanka kama gaarin xeerkaan cusub, waxey la tashadeen guddiga farsamada ee garsoorka iyo sidoo kale labada kooxood ee Barcelona & Sevilla kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip