Xaaladda Maanta: Musuq mar caay marna cantuug, iskana muudso mirihiis

0
Tuesday August 07, 2018 - 10:28:54 in Wararka by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Maanta: Musuq mar caay marna cantuug, iskana muudso mirihiis

    XAALADDA MAANTA! Sheeko qofba uu si u sheego ayaa jirta taas oo ku saabsan naag caddaan ah iyo nin madow ah oo hadda ka hor diyaarad iskula safray. Ninka iyo naagta labo kursi oo isku dheggan ayey fadhiyeen. Naagta daanyeer yar ayey wadatay, sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XAALADDA MAANTA! Sheeko qofba uu si u sheego ayaa jirta taas oo ku saabsan naag caddaan ah iyo nin madow ah oo hadda ka hor diyaarad iskula safray. Ninka iyo naagta labo kursi oo isku dheggan ayey fadhiyeen. Naagta daanyeer yar ayey wadatay, sida ilmo yar oo kale dhabta u saaran, ninkana waxa uu heystay hal xabo oo moos ah.

Ninkii ayaa mooskii saartay miiska yar ee hortiisa ah, kaddibna suulliga diyaaradda ayuu galay. Inta uu ku maqnaa suulliga ayey naagtii mooskii siisay daanyeerkii oo ay ka celin weysay.

Markii ninkii madowga ahaa uu soo laabtay waxa uu weydiiyey "Aaway mooskeygii?” Waxaa ay ugu jawaabtay "Walaalkaa ayaa kuu cunay” iyada oo ula jeedda in daanyeerka uu walaalkiis yahay.

Markii ay diyaaradda ka degeen ayey daanyeerkii ku xiratay kursi kuwa garoonka dhex yaallo ah lugtiisa, kaddibna waxay gashay suulli u dhowaa.

Intii ay suulliga ku maqneyd auuu ninkii madowga ahaa daanyeerkii ka furay xarigii uu ku xirnaa, kaddibna banaanka ayuu u sii daayey. Daanyeerkii tag!

Naagtii markii ay soo baxday oo ay aragtay in daanyeerkii uusan ku xirneyn meeshii ay ku xiratay oo uu banaanka sii ordayo ayey dadkii waydiisay "Yaa daanyeerkeyga xariga ka furay?” Waxaana loo tilmaamay ninkii madowga ahaa oo meel aan ka fogeyn fadhiya.

Markii ay ninkii u timid oo ay si caro leh u waydiisay "Maxaad daanyeerkeyga iiga sii deysay?” Ayuu si deggan ugu jawaabay "Waa arrin qoys oo aan adiga waxba kaa galin, walaalkey oo si qalad ah u xiran uun baan sii deystay aniga”

Naagtii oo garatay ujeedkiisa ayaa iska dhaqaaqday iyada oo madluunsan isna ciil cuneysa.


Haatan, dowladda Soomaaliya haddii su’aal laga keeno.

… Ammaanka      </div>
    <div class=



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip