MAQAAL: MALA SOCOTAA WAXA MUQDISHO KA JIRA?

0
Monday August 06, 2018 - 22:58:20 in Wararka by
  • Visits: 664
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL: MALA SOCOTAA WAXA MUQDISHO KA JIRA?

    Waxaa jira 4 kooxood oo ku wada nool Muqdisho, laakiin aan kooxna kooxda kale warba u haynin ama aan wax xiriir ahba la lahayn. (1) Koox Xukuumadda/Dowlada ku jirta oo maalintii 7 goor qadeeya, tan iyo maalintii ay xukuumaddu soo xero-gelisayna mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jira 4 kooxood oo ku wada nool Muqdisho, laakiin aan kooxna kooxda kale warba u haynin ama aan wax xiriir ahba la lahayn. (1) Koox Xukuumadda/Dowlada ku jirta oo maalintii 7 goor qadeeya, tan iyo maalintii ay xukuumaddu soo xero-gelisayna miisaankooda culaysku is libinlaabay, halisna ugu jira in ay qaadaan xanuunada ay buurnidu keento, sida wadno xanuunka, colostrol-sha, macaanka, Kooxdani waxa ay kaba indho la'yihiin in wax qaladaad ahiba dalkan ka jiraan, meel walbana waa u doog iyo haro buuxa. Waxay intooda badan ku xiran yihiin barxada Madaxtooyadda, qololka hudheelada waaweyn, guryo gaar loo kiraystay oo goglan iyo Land-Crousero daaqado madoow…… Kooxdanu casumaado badan ayay fidiyaan, laakiin waa in aad cuntadana siddii wax waalan ula cunto ilaa inta indhuhu ku bararayaan, waana inaad qaadka la cuntaa maalinta Khamiista ee Jimcaha soo galayso kaliya.

(2) Kooxda labaad waa koox caraysan oo 100% Mucaarid ah, intooda badana u badan shaqsiyaad ama xilal hore looga qaaday ama xilal rajaynayay oo ku guuldaraystay. Kooxdani indhahoogu maba arkaan wax aan ahayn xumaan, dal dumaya, Kooxdanu intooda badani waa rag siyaasada hore ugu soo jiray, cadho aad u weyna qaba, aargoosina u dhaarsan. Balwadahoodu ma yara laakiin jeebkooda oo aan fiicnayn awgeed, maalina way seexdaan maalina way qayilaan…. Kooxdani waa kooxda ugu Shaxaadka badan…..KKKKKK

(3) Kooxda saddexaad waa koox ku wareertay Siyaasadaha dalka ka socda, mucaarid iyo muxaafidba, dhegahana ka furaystay dhacdooyinka maanta jira. Kooxdan marka aad la kulanto waxa la moodaa in ay soo galeeti yihiin oo war-hayntoodu ma badna. Intooda badan waxay u badan yihiin dad aqoon maadi ah oo fiican leh, qaarkood badana la soo shaqeeyeen xukuumadihii hore, laakiin hadda si fiican uga dhacay siyaasada dalka iyo xataa aqoonta dadka ay ku dhex nool yihiin. Kooxdan intooda badan waa keli socod aan kooxkoox u fadhiisan. Qaarkood badan waxa uu xiriirkoodu ku kooban yahay qoyskooda hoose iyo jufada ay kasoo jeedaan oo keliya. Kooxdan intooda badan jeebkoodu ma madhna oo ama ciyaalkoodii ayaa u koray oo masruufa ama hanti ay hore u dhaqdeen ayay masruufsadaan. Kooxdan intooda badan waxna ma bixiyaan, waxna ma shaxaadaan.

(4) Kooxda afraad waa Koox Ganacsato ah, qaarkood badanina ay dabada ku hayaan xiriir ganacsi, saaxiibtinimo, koox-is-aaminaad diimeed. Kooxdan intooda badan waa hantiilayaal jeebkoodu buuxo, intooda badan waxay ku jiraan ganacsiyo shuraako ah oo khad qaboow ah. Kooxdan kuwooda wadaadada ah iyo kuwooda kaleba, intooda badan waxa ay leeyihiin laba xaas iyo in ka badan. Waxa ay aad u aaminsan yihiin dhalmada badan, gaar ahaan in wiilal badan la dhalo. Da’doodu waxay u badan tahay 30 jir ilaa 55 jir. Kooxdan waxa ay si weyn ugu xiran yihiin xukuumad iyo mucaaridba, intooda taladu ka go’do (madaxda ugu saraysa oo keliya).

Kooxdan waxna way casumaan, waanad casumi kartaa…..laakiin waa in aad wax Dan ah (Interest) ka wada hadlaysaan….haddii kale wakhtigoodu waa cidhiidhi.

Intaas marka laga yimaado waxa iyaguna jira kooxo aan ugu yeedhi karo "Cusbada Siyaasada ama "Siyaasi Qooto Qooto” Kooxdan intooda badan waa qurbojoog raaci kari waayay ama la qabsan kari waayay 4-ta kooxood ee dalku u qaybsamay. Intooda badan waxa ay dalka yimaadaan iyaga oo Lacag yar sita, fikir badana wada, laakiin muddo gaaban gudahood lacagtiina way ka dhamaataa, fikirkoodiina waa ka qasqasmaa… kadibna waxa ay kolba la saftaan koox ayna aad isku aqoon, muddo gaaban gudaheedna waa lasoo kala boodaa. Kooxdan cusbada ah marka ay dalka ku cusub yihiin aadbay u gacan furan yihiin, iyagaana wax casuma, laakiin muddo yar kadib waxa ay ku biiraan qaybta wax shaxaada. Kooxdan bilaha hore waa dad aad u farxad badan, laakiin mudooyinka dambe waxa ay noqdaan neerfis aad u cadho iyo dagaal badan.

ILAAH AMARKII – Xamar Waa La Wada Joogaa —-Abdifatah Ahmed——




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip