DAMACA OROMADA IYO DAYACA SOOMAALIDA!

0
Sunday August 05, 2018 - 09:26:32 in Wararka by
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAMACA OROMADA IYO DAYACA SOOMAALIDA!

    HORDHAC Afeef: dhigaalkaan difaac uma aha maamulka kaligii taliska ah ee Cabdi Maxamuud iileey ee umadda Soomaali Galbeed mudada dheer soo cadaabayay, ee waa doc kale ka eegid iyo akhrinta waxa lagu solayo daaha gadaashiisa. Dhigaalkaan wuxuu ka koo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HORDHAC Afeef: dhigaalkaan difaac uma aha maamulka kaligii taliska ah ee Cabdi Maxamuud iileey ee umadda Soomaali Galbeed mudada dheer soo cadaabayay, ee waa doc kale ka eegid iyo akhrinta waxa lagu solayo daaha gadaashiisa. Dhigaalkaan wuxuu ka kooban yahay; dib-eegis taariikh iyo isbeddelada siyaasadeed ee ka socda guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan deegaanada Soomaalida Itoobiya. Sidoo kale, qoraalkaan wuxuu soo jeedinayaa talooyin iyo farriimo ku socda dadka Soomaaliyeed kuwaas oo ka hadlaya damaca Oromada ee ku wajahan deegaanda Soomalida.

DIB-EEGIS

Oramadu waa qowmiyadda ugu badan ee Itoobiya, waxaa lagu qiyaasaa tiro ahaan iney ku dhow yihiiin 40 milyan, ama qiyaastii 40% dadka ku nool Itoobiya. Oramadu badidood waxay heystaan diinta Islaamka, waxayna leeyihiin taariikh fac weyn. Hase ahaatee waxay ku mabeyn sheegashada dhulka Soomaalida bad iyo beri, iyagoo had iyo jeer ku wardiya iney dhulka Soomaalida degi jireen, laakiin xoog looga qabsaday. Sheegashadaas badideed waa mid aan laheyn lugo ey ku istaagto, kaliya waa uun DAMAC OROMEED. Damacaanna wuxuu ku dhashay iyagoo rumeysan iney yihiin qowmiyadda ugu tirada badan ee ku dhaqan Geeska Afrika, sidaas la ajligeedna ey lahaan jireen dhulka ugu istiraatiijisan ee Geeska—waa dhulka Soomaalidu degtee. Gumeystayaashii Soomaaliya soo gumeystay gaar ahaan Ingiriiska, markii ey ku adkaatay la dagaalanka Soomaalida ayuu Ingiriisku damcay inuu garab ka helo Oramada si uu Soomaalida ugu jabiyo, taa beddelkeedana Ingiriisku wuxuu qorsheeyay inuu Oromo ku



 beero dhulka Soomalida.

Qorshahaas Ingiriiska laftigiisa ayey la xumaatay, oo wuxuu waayay wax taariikh ah oo kaabineysa sheegashada Oramadu sheegtaan dhulka Soomaalida. Sababtoo ah erayga ‘OROMO’ laftigiisa waa eray cusub oo markii ugu horeysay lagu dhex arkay taariikhda buugaagta dunida waxay aheyd dhammaadkii qarnigii 19aad. Si kastaba ha ahaatee, cilmibaarayaal reer Galbeed ah ayaa isku dayay iney si gacan-ku-rimis ah u sameeyaan taariikh Oramada ku aroorineysa xeebaha Soomaalida.

Cilmibaarayaasha la kala yiraahdo; Leon Des Avanchers, P. Paulintschke, Enrico Cerulli, I. M. Lewis, H. S. Lewis iyo E.R. Turton ayaa waxay soo saareen cilmibaarisyo kala duwan oo ey ugu meel dayayaan sheegashada Oramada ey sheegato dhulka Soomaalida. Saynisyahannadaan waxay ku doodeen in Soomaalidu ey asal ahaan yihiin Oromo, sidaasna Oramadu ku leedahay dhulka Soomaalida, maadaama Soomaalidu ey Oramada kasoo farcantay. Dooda ey raggaan lasoo shirtageen waxaa kamid ah in magacyada magaalooyinka Soomaalida ey yihiin magacyo Oromo—taasna ey daliil u tahay in Soomaalidu kasoo jeedo Oromo, Oramaduna dhulka laheyd.

Maadaama ey buugaagta taariikhda dunida ka waayeen erayga ‘OROMO’ waxay ku doodeen in Oramada waagii hore loo yiqiin; ‘GAALLA’. Waxayna isku dayeyn iney magaca ‘GAALLA’ iyo erayo iyo magacyo magaalooyin Soomaaliyeed xiriir u sameeyaan. Magacyadaan waxaa kamid ah; GAALKACYO, BAARGAAL, GAALA-ERI iyo qaar kale. Professorka Soomaaliyeed Cabdalla Cumar Mansuur ayaa si cilmiyeysan nimankaan ugu jawaabay dhowr buug oo uu qoray sida; TAARIIKHDA AFKA IYO BULSHADA SOOMAALIYEED. Professor Mansuur oo nimankaan u jawaabaya wuxuu yiri; Soomaalidii hore erayga GAAL waxay u isticmaali jirtay GEELA, waxaana u daliil ah in boqolaal eray oo erayga GAAL ku lammaanan ilaa imminka bulshada Soomaaliyeed u isticmaasho GEELA. Tusaale, Gaaljecel qabiil Soomaaliyeed oo ku caan baxay dhaqashada geela, Haruubgaal waa haruub weyn oo geela lagu liso, Baargaal waa timaha kuriska geela ka baxa; Dabaggaalle bahal dhirxagatada kamid ah oo leh dabo u eg tan geela. Sidaas ayeey cilmibaarayaashii reer Galbeedka iyo doodooduba ku banjartay, mar danbanna hadal lagama maqal.

Si kastaba ha ahaatee, damaca Oromada marnaba ma damin, ee dhuxushii uunbaa ka dhammaatay. Inkastoon caddeymo biyo-kama-dhibcaan ah loo heyn, haddana dad badan oo Soomaaliyeed ayaa rumeysan fathaadda dadka Oromada ey kusoo fatahmeen dhulka Soomaalida sanadihii ugu danbeeyay iney tahay qorshe Oromada ku jira oo ah iney bal isku dayaan iney si nabad ah oo tartiib tartiib ah dhulka Soomaalida ugu bataan ilaa ey ku miciyeystaan.

Oromada waxaa in muddo ah madaxa kaga taagnaa qowmiyadaha kale ee Itoobiya sida; qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega oo xukun adag hoos geliyay horumarkana ka hor istaagay. Oromaduse waxaas uma muuqan, waxa kaliya ee u muuqda waa dhulka Soomaalida iyo sidey ku qabsan lahaayeen. Qarnigii 16aad ayeey isku dayeen iney dhulka Soomaalida ka qabsadaan dhanka Koonfureed, waxaa duulaankooda gaashaanka u duruuray boqortooyadii Ajuuraan oo xilligaas aheyd boqortooyada ugu awoodda badan Afrika. Dagaalada Oromada lala galay qarnigii 16aad waxaa la oran jiray dagaaladii Gaala-madow.

Marka taariikhdaas iyo damaca Oromada laga yimaado, dadka Soomaaliyeed guud ahaan waxaa ka muuqda dayac iyo feejignaan la’aan oo eysan u feejigneyn taariikhda iyo waxa imminka kusoo food-haya. Tan iyo xilligii dalka Itoobiya uu ka dhashay maamul federal ah oo qowmiyad walba ey heshay maamul u gooni ah, Soomaalidu waxay u kala qeybsaneyd qeyb ku faantay iney Itoobiyaan yihiin dhalasho ahaan, laakiin Soomaali yihiin isir ahaan. Iyo qeyb ku dooday waxaan nahay dhalasho iyo isirba Soomaali. Labadaan aragtiyadood waa laba aad u kala fog—oo iska soo horjeeda, waxayna ugu danbeyntii sababtay isku dhacyo hubeysan. Cabdi Maxamuud iileey oo hogaaminaya qeybta Itoobiyaannimada ku faanaysa ayaa intuu xukunka heystay dadka ka aragti duwan si arxandarro ah ula dhaqmay, oo geystay falal ka baxsan banii’aadannimada.

ISBEDDELKA ITOOBIYA: SOOMAALIDA DAN MA UGU JIRTAA?

Xaalku wuxuu sidaas ahaadaba, Itoobiya waxaa ka dhacay isbeddel weyn, oo waxaa xukunka qabsaday markii ugu horreysay nin kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo la yiraahdo Caabi Axmed [Abiy Ahmed]. Reysal wasaare Caabi waa nin xanbaarsan himilooyin badan, lehna hiraal fog. Sida uu dhowr madal oo kala duwan ka sheegay, Caabi wuxuu doonayaa inuu Itoobiya iyo dhammaan Geeska uu ku wada noolaado si nabadgelyo ah. Wuxuu heshiis nabadgelyo la saxiixday Eritrea oo colaad dheer Itoobiya kala dhexeysay, wuxuu sidoo kale heshiisyo horumarineed iyo mid maalgashi la galay dawladda Soomaaliya. Caabi gacan wuxuu rabaa inuu ku hirgeliyo afkaartiisa dimuquraadiyeenta mandiqadda, gacanta kalana wuxuu doonayaa inuu reer tolkii ku caawiyo si ey u xaqiijiyaan riyadooda ah iney mar uun cagta soo dhigaan dhulka Soomaalida, gaar ahaan xeebaha Soomaalida.

Arrimahaan waxaa caddeyn u ah, tan iyo markii uu xukunka qabsaday mudane Caabi, reer tolkii waxay weeraro isdaba joog ah kusoo qaadeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ilaa imminkana weeraradaas wey socdaan; Caabina lagama hayo wax talaabo ah oo uu arrinkaas ka qaaday. Dhanka kale, madaxweeynaha DDS Cabdi iiley oo dhowaan dhowr jeer lagu mudahaaraday wuxuu usoo diray guutooyin ciidamo ah oo saakay ku waaberiistay caasimadda DDS ee Jigjiga. Kudarso, waxaa dhowaan dhulka Soomaalida laga helay shidaal, reysal wasaare Caabina wuxuu ku dhowaaqay in maamulka Soomaalida ey leeyihiin saami ku siman 5% oo kaliya. Talaabooyinka Caabi dhowaan si isdaba joog ah u qaaday waxay xoojinayaan in Caabi uu leeyahay qorshooyin gurracan oo saameyn kara dadka Soomaaliyeed ee degan Itoobiya.

Dhanka kale, jabhadda waddaniga xorreynta Ogaadeeniya, [Ogaden National Liberation Front ONLF] waxaa la aasaasay sanadkii 1984kii. Ujeedada jabhaddu waa madaxbanaanida dhulka Soomaalida iyo gooni isku-taageeda, ee ma’aha iney Soomaaliyada weyn ku darsamaan sida ku cad shuruucdooda. Dad badan ayaa si qalad ah u fasira ama iyagoo ku awr-kacsanaya sheega in jabhaddu doonayso iney Soomaaliya ku darsato. Si kastaba ha ahaatee, in Ogadenia ey gooni isku taagto iyo inkale waxay u taal dadka deegaanka, laakiin waa muhiim in dadku ogyihiin xaqiiqada. Jabhadda ONLF waxay ka dhalatay markii Soomaalida looga adkaaday dagaalkii 1977kii ey la gashay Itoobiya, oo waagaas loo yiqiin jabhadda xorreynta Soomaali Galbeed. Dadka dhaliila jabhadda waxay ku doodaan, in magaca jabhadda ‘OGADEN’ uu ka tarjumayo inaan jabhadda loo dhammeyn, deegaankana ey degan yihiin dadyow Soomaaliyeed oo aan magacaas sidan.

Yeelkadeed, jabhadda waxay dawladda Itoobiya la gashay dagaalo badan oo lagu hoobtay oo dad badan oo Soomaali ah lagu xasuuqay, dhowr iyo soddonka sano ey jirtay jabhaddu wax la taaban karo masoo kordhin, dhul ma xorreyn, nabadna ma qaadan, dawladnimana ha sheegin. Tan iyo dhiibistii sargaal Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbidhagax ey dawladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya, ayaa shacbiyadda jabhaddu cirka isku shareetay. Sidoo kale, ONLF waxaa nasiib ahaan caawiyay reysal wasaaraha cusub ee Itoobiya oo doonaya Isbeddel iyo dimuquraadiyad, isagoo cafis u fidiyay dhammaan maxaabiista siyaasadda u xirneyd ee uu kamid ahaa Qalbidhagax. Waxaa durbadiiba cirka isku shareeray dhaqdhaqaayo isbeddel doon ah oo ka curtay gudaha deegaanka Soomaalida, kuwaas oo liddi ku ah maamulka madaxweyne Cabdi iileey. Ugu danbeyntiina waxay kacdoomadaan sababeyn in maanta Jigjiga la isku hor fadhiyo.

MAXAA LA GUDBOON SOOMAALIDA ITOOBIYA?

Cabdi iileey oo ahaa kaligiitaliye isku dhiibay si dhowna ula shaqeenayay maamulkii Tigreega, aadna u cadaabi jiray dadka Soomaaliyeed ee ka aragti duwanaa—ayaa shacbiyadiisa ey hoos u dhacday, dawladda dhexe ee Itoobiya ee Oromadu horboodeyso iyagoo eeganaya danahooda, kana faa’iideysanaya kacdoonka shacabka ayey waxay isku dayeysaa iney si xoog ah Cabdi iiley ama Cabd Tigree xukunka uga qaado, si ey u keenaan Cabdi Oromo. Haddaba dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Itoobiya waxaa marka hore la gudboon iney ilaashadaan dawladdooda, xifdisadaanna nabaddooda. Cabdi iiley waa shaqsi oo wuu tagayaa goortuu tagaba amaba wuu dhimanayaa, laakiin waxaa sii jiri doona waa deegaanka. Midda labaad ee looga baahan yahay dadka deegaanka waxaa weeye iney taariikhda dib u akhriyaan, oo daraaseeyaan damaca qowmiyadaha la degan ey u qabaan dhulkooda iyo kan Soomaaliyaba. Haatan kumaba sii jirto, oo dahabkii madoobaa [shidaal] ayaa dhulka Soomaalida laga helay, waxaana umadda Soomaaliyeed kusoo wajahan daadad damac dhurwaa ah, oo haddaan laga baaraan-degin suurtagal ey tahay in badda la isku darro. Tan seddexaad ee aan walaalaheen kula talin lahaa waxaa weeye, inta eysan tuurin Cabdi iiley ma hayaan qorshihii lagu beddeli lahaa? Mise Cabdi Oromo bey soo wadaan oo uun magaca kaga geddisan Cabdi Tigree, lakiin isla howshii uun wadi doona!! 1991kii Soomaalida markii ey tuureen xukunkii kaligiitaliye Maxamed Siyaad Barre ma diyaarsan wax qorshe ah oo beddela, kaliya waxay rabeen iney Siyaad Barre tuuraan, natiijadii kacdoonkaas waxay ila tahay qof walba oo garaad lihi wuu ka dheregsan yahay, oo ilaa imminka ku dhowaad soddon sano kadib xukunkii Siyaad Barre Soomaaliya waa degi la’dahay.

GUNAANAD

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan kacdoonka Soomaalida Itoobiya leeyahay Cabdi Tigree hadduu tago yuusan imaan Cabdi Oromee, Cabdi deegaanka u turaya, oo waddaniyadi ku jirto—kuna baraarugsan damaca qowmiyadaha kale doorta. Deegaanka Soomaalida Itoobiya wuxuu marayaa marxalad xasaasi ah, oo ey tahay in aad loogu fiirsado talaabo walbo oo la qaadayo. Sidoo kale, waxaan walaalaha Soomaaliyeed ee Itoobiya ku baraarujinayaa iney ka fogaadaan isku dhacyada gacan ka hadalka ah, wax walbana ku dhammeeyaaan wadahadal iyo si nabad ah. Oramada iyo qowmiyadaha kale ee idiin gacan haatinaya ee doonaya inaad Cabdi iileey la gashaan kacdoon hubeysaan waa qaar doonaya in awooddiina ey wiiqanto si ey danahooda u fushaan, kheyraadkiinana u daldashaan si xisaab la’aan ah. Cabdi iiley iyo maamulkiisa waxaan leeyahay, caano daatay dabadood la qabay, ma Mingiste Xayle Maryam ayaad ka liidataan? Mingiste markuu arkay 1991kii in laga adkaaday, xukunka wuu wareejiyay dalkana wuu badbaadiyay. Inkastoo Mingste lahaa taariikh madow, haddana taariikhda waxaa u gashay kaligii taliyihii xukunka iska wareejiyay markii laga adkaaday. Cabdi iileeyow si nabad ah oo ilbaxnimo ku jirto xukunka u wareejiya, taariikhdu wey idin xusi doontaa.

Fadlan #SHARE la wadaag asxaabtaada.

Qalinkii: Abdiaziz Arab



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip