Haddii aad rabto in doorashada dambe beeshu ku soo xusho, hadda codkaaga sii 70 jir kaadi macaan iyo dhiig kar qaba=Nasashada Jimcaha. Q-107aad=.

0
Friday August 03, 2018 - 22:28:31 in Wararka by
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii aad rabto in doorashada dambe beeshu ku soo xusho, hadda codkaaga sii 70 jir kaadi macaan iyo dhiig kar qaba=Nasashada Jimcaha. Q-107aad=.

    1- Gabar aad u qurxan oo rabtay in ay rag badan oo ku tartamaya mid ka xulato ,kana baqeyso mudda kadib haddii quruxdu ka suusho in uu ninku naag kale ka raaco, ayaa u tagtay islaan waayeel ah. Islaantii ayaa ku tiri: Adiga oo aan weli guursan aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Gabar aad u qurxan oo rabtay in ay rag badan oo ku tartamaya mid ka xulato ,kana baqeyso mudda kadib haddii quruxdu ka suusho in uu ninku naag kale ka raaco, ayaa u tagtay islaan waayeel ah. Islaantii ayaa ku tiri: Adiga oo aan weli guursan ayaad maseeyree, maandhaay Raaliyo iska noqo,haddii aad Raaliyo Noqoto ,Ninkaagaaga Gabdha Xuurul ceyn ah ayaa Jannada uga horeeya, Gabadhii ayaa tiri: "Alloow Cadaabta geey Ninkeyga"., islaantii ayaa ku tiri: haddii aad sidaan u welwelsan tahay Guurso nin kaa weyn, markii ay quruxdaadu dhamaan rabto, isagana aragiisaa ayaa dhamaa rabo, Muuqaalkaagii hore oo kaliya ayuuna xasuusanayaa. ( Fiiri Sawirka 1aad)

( Haddii aad rabto in doorashada dambe beeshu ku soo xusho, hadda codkaaga sii 70 jir kaadi macaan iyo dhiig kar qaba)

2-Haweeney Buuran oo laga helay cudurka Kolostrol ( dhiig xarkag) ayaa dhakhtarkii ku yiri: Waa cudur halis ah, Cayilkuna waa uga sii daraa ee cunada iska yareey , Cashada habeenkiina jooji.

Haweeneydii markey gurigeeda ku soo laabtay habeenkii ayey gabadheeda ku tiri: Gabadheydiiyey, dhaqtarkii baas ayaa Cashadii iga Joojiyay ee qadadii manta i soo kululeey. ( F.S: 2aad)

( Nin masuul ayaa kaaliyihiisii ku yiri: war laaluushkii waa la isku fahmay, dadkiina waa diideen waana dambi, ee hadda wixii ka dambeeya, howl fududeyn, OK, Dakado, Bad beeca iyo shirkada shidaal noo raadi)

3-Faarax Makaanik, ayaa xaaskiis Caasho caajis, maalin kasta Gaarigiisa ku geyn jiray xafiiska ay ka shaqeyso ee wasaaradda, kadibna intuu baabuurka la soo wareego ayuu ka furi jiray Albaabka Gaariga.



Arrintaa ayaa noqotay hadal heeynta ugu badan ee haweeynka ka shaqeya Wasaaradda, waxa ayna ku yiraahdeen Caasha caajis, ninkaagu waa Romaantik, waana nin wanaagsan, Isaga oo kale ayaan u baahan nahay.

Maba oga inuu Gaarigu albaabka ka ciladaysan yahay, banaanka bisna laga furi karo, Muraayaduhuna ayna hoos u dalacmeyn.( F.S: 3aad)

Hadda, Haweeneydii aheyd Agaasimaha guud iyo Gabadhii xisaabiyaha wasaaradda, waa laba xaas oo Romaantik doon ahaa oo ku soo biiray reer Faarax Makaanik.

( Haweenoow Muuqaalka kaliya ma ahan, ee Ficilka qofkana iska hubiya, waxa ku qasbay, hab dhaqankaa)

4- Gabar ayaa Aabaheed u diiday in ay Guursato wiil ciyaal food ah oo ay aad u jecleyd. weyna la baxsatay waana aqal galeen. Saddax bil kadib Aabaheed ayaa geeriyooday ,mana ay maqal.

Wiilkii qabay ayaa ku yiri: soo bax maanta waan ku soo furayaahe, waxaad tahay qof dhibley ah. Gabadhii murugo iyo ooyin ayeey isku dartay.

Wiilkii ayaa ku yiri: war kuma furayee, Aabahaa ayaa dhintay.Inta kuso boday ayey ku tiri: Alxamdu Lilaahi, markii hore waad iga nixisay gacaliye .

( Wasiir ayaa saaxiibkii ku yiri: Mudane wasiir, Xilkii waa lagaa qaaday, Murugo ayuu dhabannada la qabsaday. Saaxiibkii ayaa ku yiri: waan kugu ciyaarayay, laakin Dalku gacan Gumeeysi ayuu ku sii socdaa. Wuxuu yiri: Alxamdu lilaah, Xilkaa aniga ii gaar ah, laakin gumeysiga dadkaan la wadaagaa.. Ninkaad xil u dhiibee hankiisa iska fiiri )

5- Nin Oday ah ayaa yiri: Naagteyda Laba Bilood lama hadal. Saaxiibkii ayaa ku yiri: sabab? Odaygii ayaa Yiri: Ma jecli in hadalka la iga kala gooyo, war aanan fileyna la ii bilaabo.

( Nin Masuul ah ayaa yiri: Laba bil Saxaafadda lama hadal. waxaa la yiri: Mudane maxaa dhacay? Wuxuu yiri: Ma jecli, in hadalka la iga dhax galo oo su’aal aanan codsan ama aan ii qorneyn wax la iga weeydiiyo ).

6- Oday 60 jir ah oo Qurbaha uga yimid in uu guursado, ayaa talo ugu tagay saaxiibkii oo 80 jir ah oo Qorax joog ah. Wuxuuna ku yiri: waxaan rabaa in aan guursado, tabarna ma hayo, Neef tuur, Lafa xanuun, Dhirif yaro, iyo ka sii badan ayaan isku arkay.

Odaygii 80 jirka ahaa ayaa ku yiri: Anigu waan kaa roonahay, dhibkaa ima heysto, waxaan ahay sida Wiil yar oo hadda dhashay. Qurba joogii ayaa ku yiri: inteedka liibaantay?. Qorax joogii ayaa ku yiri: wiil yar oo dhashay waxaan ku noqday, Timo malihi, ilkana malihi, Cuntadiina cabitaan ayaan ku bedeshay, sariirtana waan ku dul kaadiyaa. Aan kula taliyo gabar wax uguma taalide, ((G…kaagu 20 jir kuguma ceebeeyn ee adna G…kaaga 60 jir haku ceebeeyn)). Xaliimadaadii hore iska iimaanso.( F.S: 4aad).

( Cadaab lama dalbado, Cumri tagayna ceeb laguma sagootiyee, Goormuuse cunayaa!….. haddaad aragto, 70 jir xil loo magacaabay oo Tuug ah, xoolihii ummaddana xadayo, maxaad kula talin laheyd?)

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip