Chelsea oo u dhaqaaqday saxiixa Aaron Ramsey

0
Sunday July 29, 2018 - 23:34:48 in Wararka by
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo u dhaqaaqday saxiixa Aaron Ramsey

    Chelsea ayaa diyaar u ah inay 30 milyan oo ginni ku dalbato xiddiga Arsenal Aaron Ramsey ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa diyaar u ah inay 30 milyan oo ginni ku dalbato xiddiga Arsenal Aaron Ramsey ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kujira sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Gunners, waxaana dhawaan uu qiray inuusan hubin mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan woqooyiga London.

Wakiilkiisa ayaa haatan wadahadalo kula jira kooxda Arsenal isagoo heshiis cusub u saxiixi kara kooxda ku ciyaarta Emirates.

"Waan arki doonaa waxa dhaca, laakiin wakiilkeyga iyo kooxduba way hadlayaan” ayuu yiri Ramsey.

"Ma hubo waxa ka dhici kara heshiiska cusub, kaliya waxaan kuu sheegayaa inuu wadahadal jiro, laakiin weli heshiis lama gaarin” ayuu yiri Ramsey.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Daily Mail, Chelsea ayaa diyaar u ah inay dalab u dirto ciyaaryahanka reer Wales xagaagaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip